“Sariirtan ayaa badbaadisay noolasheyda” Sidaa waxa Kabtan Vasileios Vasileiou

 

Waxaa muddo sannad ah laga joogaa markii kooxda Taliban ay weerartay hotelka Intercontinental ee ku yaala caasimadda Afghanistanee Kabul, halkaasi oo lagu dilay dad gaaraya 40 qof,

Dadkii degenaa hutelka xiligii la weeraray ayaa waxaa kamid ah duuliye u dhashay dalka Giriigga, kaas oo lagu magacaabo Vasileios Vasileiou. Mr Vasileios Vasileiou ayaa waxaa uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhacay xiligaas, isagoona maqaalkan ka qoray:

Waxaan u casho raadsaday qeybta hoose ee Hudheelka oo ah meel maqaaxi ah saacadu markay aheyd lixdii galabnimo.

Markii aan casheeyay oo ay saacadu tahay 7:30 fiidnimo ayaa waxaan go’aansaday in aan ku laabto qolkii aan degenaa, si aan taleefoona u dirsado oo aan ula xiriiro qoyskeyga oo jooga caasimadda Athens ee dalka Giriigga, markii aan gaadhay qolka ayaa waxaan maqlay qarax weyn oo gilgilay qeybta hoose ee dhismaha.

Markii aan maqlay dhawaqa waxaan istaagay daaqada qolkeyga, waxaanse aan arkay dad dhiig ka qulqulaya, waxaana maqlayay dhawaqa rasaasta.

Waxaan ogaaday in aan nasiib badanahay mar haddii aanan joogin halka uu weerarka hore ka dhacay.

.
Sawirk waxa ku wada jira Vasileios iyo saaxiibkii

Madaama aan duuliye ahay, waxaan horay u bartay sida loo maareeyo xaaladaha degdegga , waxaana marwalba oo aan tago goobaha dadweynaha aan door bidi jiray in aan fardhisto meel u dhaw albaabka.

Waxaan durbadiiba bilaabay inaan ka fikiro waxa xiga ee dhici karo, warna kama aanan heyn inta ay la egyihiin qolyaha weerarka soo qaaday.

Markiiba waxaan ku fikiray qaabka aan isu badbaadin karo, inkastoo xaaladda xiligaasi sida ay aheyd aanan qiyaasi karin.

Waxaa ii muuqatay in kooxdii weerarka soo qaaday ay dileen dhammaan dadkii maqaaxida ku caweynayay, muddo yar kadibna meel aan iga fogeyn ayaaban ka maqlay dhawaqa rasaasta, waxaana xigay in laydhkii oo dhan halmar damay.

Qolka igu xigay ee 521 ayay kooxihii weerarka soo qaaday oo ay soo gaadheen, waxaan is tusay in aysan ii wanaagsaneyn in aan meesha iska fadhiyo. Waxaan hoosta ka galay sariir ay dulsaarneyd joodari, si aan uga dhuunto kooxaha weerarka soo qaaday oo soo gaaray meel aan qolkeyga sidaasi uga fogeyn.

Waxaan dhexda ka galay sariirta iyo mara kaga xidhneyd qeybta hoose, anigoo si adag ugu dhagay geesaha sariirta.

.
Vasileios wuxuu duuliye ka yahay shirkad duulimaad oo ka howlgasha Afghanistan

Anigoo halkii ku dhuumanaaya ayaa qolkeyga waxa soo galay afar ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, waxaase markaas aan niyada geliyay in aan dhiman doono, waxaan markii ba niyadeyda kusoo dhacay qoyskeyga iyo caruurteyda, iyo waayahii noolasheyda, intii wanaagsaneyd iyo intii ay xumeydba.

Waxaan maqlayay oohinta iyo qeylida dadkii kale ee lagu laayay qolalka kale ee igu xigay, halka kooxaha weerarka soo qaaday ay qoslayeen markastoy rasaas ridaan.

Waxay u qoslayeen sida dad ay u socoto xaflad weyn oo dabbaal-deg ah. Habeenkii oo dhan oo weerarka wuu socday, waxaana ku hoos jiray halkeygii.

Saacadu markay aheyd 3-dii aroornimo oo kooxihii ay ka yara baxeen qolkeyga ayaa kasoo baxay sariirtii aan ku dhuumaaleysanayay, markii aan soo baxay ayaa waxaa arkay rasaas ku taala sariirtii kale ee qolka tiilay oo ay ka eegeen in uu qof ku hoos jira iyo inkale.

Waxaan oggaaday in mar labaad aan badbaaday, waxaase aan ku fikiray waxa kale ee aan sameyn karo.

Muddo yar kadib waxaa qolkeyga igu soo galay qiiq iyo uuro, balkoonka ayaan istaagay oo waxaan arkay xarkaha telefishenka oo meel ka lalaada, waxaan tijaabiyay bal in aan kaga degi karo dhismaha, waxaase aan dareemay in rasaas laygu soo riday, oo ay wax yar ii jirsatay oo ay I garab-martay, dib ayaan ugu soo laabtay qolka, oo waxaan galay halkii ay ku dhuumanayay.

.
Inta u dhaxeysa qolalka Hudheelka 

Wax yar Kadib, mid kamid raggii hubeysnaa ayaa soo galay qolkeyga oo wuxuu ku fariistay sariirtii aan ku hoos jiray, waxaaban arkayay oo ii muuqday lugahiisa oo wuxuu candhuuf ku tufayay sagxadda.

Aad ayaan u xusuuta codkiisa oo hadii aan is dhaqaajin lahaa ama shanqari lahaa waxyar, waan dhiman lahaa.

Waxaan I galay dareen ah in ciidammada caalamiga ah ay soo geli doonaan, waxaan go’aansaday in aan halkayga iska jooga. Dableyda waxay shideen dab xoog badan, kaas oo sababy qiiq iyo uuro badan,

Qiiqa ayaa sababay in naqaska uu iigu dhago, waxaana burburay dhamaan alaabihii qolkeyga yaalay, qabow daranna wuu I hayay, maadaamma meel kasta ay furneyd, qabowga Kabul-na uu aad u darnaa xilligaasi, oo uu ahaa -3.

Saacadu markay aheyd 11.30 aroornimo waxaan dareemay in hal nin oo hubeysan oo keliya uu ka soo haray raggii weerarka soo qaaday, kaasi oo xabadda kasoo ridayay meel aan iga fogeyn.

Wax yar kaddib, waxaan dareemay in isagiina ay rasaasta ka sii dhamaanaysay, wuxuuna isku dayay in uu dab qabadsiiyo halkii uu ku sugnaa, balse uma aysan suurta gelin.

Waxaan dareemay aamusnaan badan, waxaanan dareemay xogaa nafis ah, kaddibna waxaan maqlay codka “booliska” oo ay dad iila muuqday in ay reer Afghanistan yihiin ay ku dhawaaqayeen, balse waan ka shakiyay.

.
Qeyb kamid ah Hudheelka

Dhowr daqiiqo kaddib waxaan haddana maqlay dad ku dhawaaqaya ereyga “boolis” oona leh lahjad ajnebi, markaas Ayaan dareemay in la I soo gaadhay,

Banaanka Ayaan u soo booday, anigoo maqaarkeyga oo dhan uu dabooley qiiq, oo ay adag tahay in wejigeyga la aqoonsado. Ciidammadii ayaa ii soo gaadhay, waxay i weydiiyeen inta saac ee aan halkaasi ku jiray, waxana aan ku idhi intii uu weerarka socday oo dhan.

Way I eegeen, mid kamid ah ciidammada ayaa igu yidhi waxaan ku geynayaa qeybta hoose, balse inta aanan hoos ku geynin, waa in aan sawir kula galaa, si aan ugu xusuuto xaalaaddan.

Waxaan ahaa qofkii ugu dambeeyay ee laga soo badbaadiyo dhismaha hudheelka, xilligaasina waxaa I galay dareen culus, waxaana ku wareeray waxa aan sameeyo, ma ooyaa mise waan qoslaa!.

Qoskeyga horey ayaa loola xidhiidhay, waxaana loo sheegay in la hayo dadkii la soo badbaadiyay oo dhan, aniguna aanan ku jirin, waxayna u haysteen in aan dhintay,

Balse ma dareemi kartid sida ay nqodeen markii saacado kadib aan wacay oo aan u sheegay inaan nabad qabo.

Xeebaha dalka Giriigga marka aan la joogo saaxiibadey oo aan arko iyagoo ka cabanaya dhaqaale xumida ka jirta dalkeena iyo in aysan heysanin noolol raaxo leh, ayaa waxaan ku waaniyaa in ay nolasha ku raaxeystaan.

Weerarkii Kabul kadib waxaan ogaaday in nolashu aad u macaan tahay oo ay qurux badan tahay.

Xigasho: BBC Soomaali

bandhige@gmail.com