Saylici oo ku guulaystay murashaxnimada xisbiga Kulmiye, Xaglo-toosiye oo hambalyeeyey

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa hadda ku guulaystay doorashada isagoo helay 230 codadkii Golaha Dhexe ah, halka Saleebaan Xaglo-toosiyena ka helay 114 qof.

Xaglo-toosiye oo khudbad la jeclaystay ka jeediyey munaasibadda ayaa hambalyeeyey Cabdiraxmaan Saylici wuxuna sheegay in uu labada murashaxba u hanaynayo guusha isla markaana uu ka sii shaqayn doono midnimada Somaliland.

“Wax kasta oo ay ku kacayso waxan ka shaqayn doonaa midnimada Somaliland, kuwii iga codeeyeyna waxay u baahan yihiin in ay fahmaan baahida loo qabo midnimada Somaliland” ayuu yidhi Xaglo-toosiye.

Ugu dambayn Wasiir Xaglo-toosiye wuxu sheegay in uu la tashan doono taageereyaashiisa gadaalna ka soo sheegi doono waxa uu mustaqbalkiisu noqonayo.

Bandhige@gmail.com