Saynisyahanno daahfuray in ragga oo habeenkii la caweeya ragga ay saaxiibka yihiin ay caafimaadka u fiican tahay

 

Wargeyska caanka ah ee The Telegraph ee ka soo baxa carriga Ingriiska ayaa daabacay warbixin xiiso leh laakiin aanay jeclaysan doonin haweenkii awalba khaatiga ka taagnaaย maqnaashaha badan ee raggooda.

Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Gottingenย oo ku taalla Jarmalka ayaa daahfuray in ragga oo habeenkii meel guriga ka baxsan kula caweeya ragga kale ee ay saaxiibbada yihiin ay caafimaad ahaan ka wanaagsan tahay iyaga oo la caweeya ama habeenkii meel guriga ka baxsan wakhti kula qaata xaasaskooda iyoย xubnaha qoyskooda.

Daraasaddu waxay muujisay in raggu habeenkii marka ay la qaxwaynayaan ama la sheekaysanayaan ragga kale ee dhiggooda ahย uu heerkooda isku-buuqu ama โ€œstress-kuโ€ aad u hooseeyo marka la barbar dhigo wakhtiyada ay guriga dibeddiisa kula caweeynayaan xaasaskooda.

Cilmi-baadhistani waxa kale oo ay sheegtay in isku-buuqa aan caafimaadka u wanaagsanayn lagu arko dumarka kaligood wada cawaynaya ama ragga iyo dumarka is qaba ee wada cawaynaya.

Saynisyahanka daraasaddan sameeyey wuxu tijaabo ahaan u darsay nooc ka mid ah daayeerka oo la la yidhaaย Barbary kuwaas oo saaxiibtinimadooda iyo sida jidhkoodu u shaqeeyaa ay la mid tahay labka aadamaha.

Warbixintan Saynisyahannada Gottingen waxay marmarsiiyo wanaagsan u tahay raggii ay balwadda u ahaan jirtay in ay wakhti badan maqaaxiyaha kula qaataan ragga kale ee ay saaxiibbada yihiin.

Warbixinta waxa diyaariyey Bill Gardner

The Telegraph