SDF iyo masuuliyiin xukuumadda ah ayaa kormeeray Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka

Wefti ka kooban dawladda Somaliland oo ay wehelinayaan qaadhaan-bixiyeyaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ayaa booqday xarunta uu ku yaallo shaybaadhka tayada waddooyinka ee ay leedahay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland (RDA), kadibna waxay waftigu booqasho ku tageen xarunta ku taalla duleedka Hargeysa ee lagu kaydiyo beebabka biyaha kuwaas oo loogu talo galay Mashruuca Biyo Ballaadhinta Magaalada Hargeysa.

Xukuumadda waxa ka socday Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Saxardiid iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad, qaadhaan-bixiyeyaashana wax aka socday masuuliyiin ka tirsan Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska ee magaceed loo soo gaabiyo DFID.

Ujeeddada booqashada weftiga ayaa ahayd sidii ay u soo kormeeri lahaayeen qalabka shaybaadhka tayada waddooyinka oo dhawaan lagu rakibay qayb ka mid ah dhismaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka.

Madaxa Kooxda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Aadamaha, Pauline Seenan oo u hadashay waftiga qaadhaan-bixiyeyaasha ayaa tidhi “aad bay u wanaagsan tahay inaan halkan idinla joogo si aan u arko maxsuulka shaqadan laba sannadood socotay.

Sidoo kale waxay kormeereen 371 kontaynar oo ay ku jiraan beebabka biyaha ee dhawaan dalka la keenay oo tiradoo dhan tahay 3,696 oo midkiiba cabbirkiisu yahay 600 mm. Waxa beebabkan la dhigi doonaa masaafo dhan 21 kiiloomitir si ay biyaha u gaadhsiiyaan magaalada Hargeysa loona hirgeliyo ballaadhinta iyo fidinta biyaha Hargeysa.

Intii uu mashruucu socday waxa la dayactiray laba waddo iyo biriish sidoo kale waxa la keenay qalab badan oo loo adeegsanayo tayaynta waddooyinka.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxa uu Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka u qoondeeyey $9,928,630 si loogu dayactiro waddooyinka isku xidha Lafaruug-Berbera- Sheekh iyo sidoo kale waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dilla. Qayb ka mid ah lacagtan ayaa lagu soo iibiyay qalabka shaybaadhka tayada waddooyinka.

Si la mid ahna waxa Sanduuqa Horumarinta Somaliland uu u qoondeeyey kor-u-qaadidda iyo ballaadhinta Biyaha Hargeysa $9,503,000, gaar ahaan keenidda qalabka beebabka iyo 3 ceel biyood oo laga qodayo deegaanka Horohaadley.

Mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa waxa fulinteeda gacanta ku haysa Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Degsiimooyinka, UN-Habitat.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Somaliland, kaas oo socon doona afar sanno. Waxa loogu talogalay in uu Somaliland ka taageero hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee loo yaqaan NDP.

Sanduuqan waxa maalagalinaya dawladaha Ingiriiska, Denmark, DFID, Norway iyo Netherlands.

bandhige@gmail.com