Sepp Blatter wuxu markii shanaad ku guuleystay Madaxweynaha FIFA

Sepp Blatter ayaa markii shanaad loo doortay Madaxweynaha FIFA, kadib markii uu wareeggii labaad ee cudbinta guul-daraystay musharaxiii reer Joordan ee la tartamayey Amiir Cali Bin Al Xuseen.

133 ka mid ah codbixiyeyaasha ayaa u codeeyey Blatter halka ay 73-na u codeeyeen Al Xuseen.

“Waan idiinka mahadcelinayaa in aad ii ogolaateen in aan mar afraad Madaxweyne idiin noqdo” ayuu yidhi Blatter.

Blatter wuxu FIFA ku biiray 1975-kii, waxana Madaxweyne loo doortay 1998-kii. Guushiisani waxay timid wakhti ay dad badani ugu baaqayeen in uu is casilo kadib markii Maraykanku hay’addan kubadda cagta ku eedeeyey fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq.

Blatter wuxu saxaafadda la hadlay wax yar ka hor codbixinta, wuxun sheegay in uu dareemayo in uu muddo gaaban joogo FIFA isla markaana uu jeclaysanayo in uu muddo dheer sii joogo.

“Waa maxay wakhtiga aad ka hadlaysaan. Waxan dareemayaa in aan FIFA wakhti gaaban la joogay” ayuu yidhi.

“Marka ay da’daadu korodhaba wakhti dhakhso ayuu kuu dhaafaa. Hadda waan idinla joogaa, waxanan jecelahay in aan idinla sii joogo” ayuu yidhi Blatter.

 Xigasho: Aljazeera International

Badhige@gmail.com