Sepp Blatter wuxu sheegay in Faraansiiska iyo Jarmalku farogeliyeen codayntii xulista marti-gelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022.

Madaxweynihii hore FIFA Sepp Blatter ayaa sheegay waddamada Faransiiska iyo Jarmalku ay FIFA cadaadis siyaasadeed ku saareen in ay u doorato Ruushka iyo Gadar koobabka adduunka ee 2018ka iyo 2022ka loo siiyo.

“Waxa jiray labo faragelinood oo siyaasadeed ka hor intii aan lagu dhawaaqin codbixinta waddamada ku guulaystay marti-gelinta koobabka adduunka 2018ka iyo 2022ka, taas oo ka timid madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo dhigiisa hore wadanka Jarmalka Christian Wulff” ayuu Blatter sheegay jariiradda German Newspaper.

Waxa kale oo intii raaciyey “ Sarkozy iyo Wulff ayaa beddelay wakiilladoodi, taasina waa waata aynu u haysano martigelinta koobka adduunka ee 2018 wadanka Qatar. Labadan hoggaamiye ee go’aankan ka-qayb-qaatay ayaa leh masuuliyadda. Waa in iyaga lagaga xisaabtamaa”.

Blatter wuxuu hadalkii ku sii daray “Waxaan matalayey hogaamiyaha FIFA, hadday guddiga maamulku doonayeen in koobka adduunka lagu qabto Gadar, waa in aan anigu aqbalaa go’aankaa, waayo waa cod aqlibiyad ah”

Blatter waxa kale oo uu sheegay in xidhiidhka kubbadda cagta Jarmalku ay heleen talo-bixin ka timid Wulff madaxweynihii hore ee Jarmalka oo ah in ay u codeeyaan Gadar dano dhaqaale awgeed.

Eedaymo badan oo iska hor imanaya ayaa lagu eedeeyey Gadar oo ay ka mid yihiin ku tumashada xuquuqda aadamaha dadka qaxoontiga, ee ay u isticmaalayso dhisida garoomada.

Waxa kale oo sheegay inay shirkada Jarmalku mashaariic ka bilaabeen wadanka Qatar ka hor intii aan lagu dhawaaqin inay ku guulaysatay marti-gelinta koobka adduunka 2018ka.

Blatter ayaa soo jeediyey in xooga la saaro badbaadada FIFA, ee lagu ruxay musuq-maasuqa balaadhan ee eedaymaha laaluushka iyo fowdadada lagu soo eedeeyey saraakiisha sar sare ee FIFA.

Waxa kale hadalkiisa ku daray “Qof kastaa wuu ka baqdaa dhimashada laakiin shaqada aan ka qabtay FIFA anigu kama baqanayo, waxanse ka baqanayaa in la waayo FIFA taas oo aan ka shaqeeyey horumarkeeda”

Gebogebadii Blatter waxa uu sheegay inuu aqbalayo dhaleecayn kasta oo lagu dhaleeceeyo, haddii ay xaqiiqda ku salaysan tahay balse aanu aqbali doonin dhalleecaymaha ku salaysan  xasadka iyo xumaanta.

Blatter wuxuu hadalkiisa ku afmeeray in aanu socdaali dooni ilaa wax kastaa kala caddaanayaan, hashe yeeshee wuxuu dhawaan socdaal ugu bixi doonaa Ruushka oo ay ka bilaabmi doonaan 25ka Juulay ciyaaraha is reeb-reebka koobka adduunka 2018ka.

Blatter ayaa wuxuu taageero ka helay madaxweynaha Ruushak Vladimir Putin, oo Maraykanka ku eedeeyey farogelinta arrimaha kubbadda cagta adduunka.

Bandhige@gmail.com