Shacabka Reer Durruqsi waxay si balaadhan u soo dhoweeyeen wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi

 

Shacabweynaha ku dhaqan degmada Durruqsi ee gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn ballaadhan maanta ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi oo socdaal la xidhiidha dhiirrigelinta qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha deegaanno ka tirsan gobollada Daad-madheedh iyo Togdheer.

Maamulka, haweenka, dhallinyarada iyo madax-dhaqameedka degmada Durruqsi, ayaa guddoomiyaha iyo waftigiisa kaga hortegay dibadda magaalada, waxana ay u galbiyeen goob fagaare ah oo uu uga jeediyey hadallo mahadnaq iyo dardaaran u badan.

Ugu horrayn madaxda degmada, cuqaal, salaadiin iyo dhalinyaro ka tirsan deegaanka, ayaa guddoomiyaha iyo waftigiisa uga mahadnaqay booqashadooda, waxana ay shaaciyeen inay si hagar la’aan ah u qaadanayaan talooyinka hoggaanka xisbiga ee la xidhiidha qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha.

Guddoomiyaha Awal Bari  Axmed Nuur Shire, Caaqil Aadan Axmed Naaleeye, Oday Salaan Ayjeex, Oday Maxamed Cabdilaahi, Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim iyo xubno madax-dhaqameed ah oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Durruqsi ku bogaadiyey sida ay ugu hagar baxeen soo dhaweynta guddoomiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cali Saleebaan Ramaax, guddoomiyaha gobolka Gabiley  Xamse Cadow Yuurura, wasiir ku-xigeenka madaxtooyadda Cali Dhegoole, xildhiibaan Maxamed Cali Xirsi Obama iyo guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE Xasan Mataan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay qaadashada kaadhadhku, waxana ay shacabka ku adkeeyeen inay waqtiga codaynta xusuusta ku haystaan waxqabadka xisbiga KULMIYE oo u muuqda mid xaq u leh in mar labaad hoggaaminta dalka loo doorto.

Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey shacabka degmada Durruqsi, waxana uu ka codsaday inay maalinta codaynta codkooda ku taageeraan, maadaama oo uu yahay hoggaamiye shirraban oo u qalma hoggaaminta dalka.

bandhige@gmail.com