Shan weriye oo gaadhi kula dhacay Haleeya

Shan weriye oo ka tirsan weriyayaasha ka hawlgala warbaahinta madax bannaan ee Berbera ayaa gaadhi kula dhacay duleedka tuulada Haleeya.

Weriyayaashan ayaa waxa soo gaadhay dhaawacyo oo haatan lagu dawaynayo cisbitaalka Hargeysa.

Weriyayaashan ayaa waxay kala yihiin Maxamed Cabdilaahi Soofadhiiste, Cabdiraxmaan Maxamed Cige, Muuse jaamac, Sidiiq Carab iyo Sakariye Cabdi Caabi.

Weriyayaashan ayaa waxay ku sii socdeen ciyaarta dhexmaraysay Saaxil iyo Gabiley oo Boorama ka dhacaysay.

bandhige@gmail.com