Shaqaale ka Tirsan Hay’ada Duulimaadyada Somaliland oo Raysal Wasaare ku Xigeenka Somalia Shaqooyin u balan qaaday!!

Dhawaan ayay ahayd markii Maareeyaha hay’ada duulimaadyada Somaliland Mr Rodol uu Shaqada ka fadhiisiyey qaarna ka bedelay hay’ada Duulimaadyada Somaliland in ku dhow 30 Hawl wadeen oo mudo dheer ka soo shaqaynayay Madaarka Cigaal qaybihiisa kala duwan isla markaana Khibrad fiican u lahaa hawlaha duulimaadyada ayaa raysal wasaare ku xigeenka dawlada fadaraalka Somalia Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Wuxuu  Shaqaalahaasi u balanqaaday inuu ka hawl gelin doono Madaarka weyn ee Aadan Cade ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay Sheegeen Xogo arrintan ku saabsan Shaqaalahan ayaa sifo sharciga baalmarsan waxaa shaqooyinkoodii uga bedelay Maareeyaha hay’ada duulimaadyada Somaliland Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol isagoo shaqooyinkii ay qabanayeena u xushay shaqaale ka soo jeeda beeshiisa.

Raysal wasaare ku xigeenka dawlada federaalka Somalia Somalia Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in isagoo dhiirigelinaya shaqaalahan isla markaana laga faa’iidaysanayo Khibradooda ay ka shaqo geli doonaan Madaarka Caasimadda Somalia ee Muqdisho oo hada wixii ka danbeeya ay dawlada Somalia u qorshaysay inuu Shaqeeyo Maalin iyo Habeen maadaama ay  ku soo Xidheen Diyaarado waaweyn Sida Itoobiya,Qatar iyo Turkiga.

Raysal wasaare ku xigeenka Somalia waxa uu shaqaalahan u balanqaaday in la siin doono Mushaharooyin iyo Gunooyin shaqooyinkooda u qalma.

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay magaaladda Muqdisho ku sii qulqulaya Dhallinyaro ka tirsan Shacabka Somaliland oo ka rajo dhigay inay shaqooyin ka helaan dalkooda Somaliland.

Maxamed Cabdilaahi

abdilaahi99@gmail.com

Bandhige@gmail.com