Magaalada Hargeysa oo ay ku nool dad lagu qiyaaso 1 milyan ayaa waxa soo food-saartay hilib laโaan ka dib markii ay shaqo joojin ku dhawaaaqeen Iskaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo, iyagoo ka cabanaya lacago dheeraad ah oo ay ku kordhisay shirkadda maamusha kawaanka xoolaha lagu qalo.
Nin ka mid ah hiblayaasha Hargeysa oo magaciisa qariyey oo ka hadlay arrintan ayaa waxa uu yidhi:
โWaxa isku kaayo keenay ee aanu shalay iyo maantaba u joojinay qalitaankii xoolaha waxa weeye waxaanan qaadi karin ayaa nalagu jujuubay. Neefka Loโada ah waxay yidhaahdeen 35,000 SLSH bixiya oo wuxuu ku kordhiyay 12,000 kun, Neefka geelahaย 60,000 SLSH wuxuu ahaan jiray 42,000, Neefka adhiga ahi wuxuu ahaan jiray 6,500 wuxuu yidhi 12,000.โ
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
โWaxaanu ka mudaharaadaynaa waa shirkadda Maandeeq la yidhaahdo oo nagu haysata kaawaankii dawladda. Cashuur aanan qaadi Karin ayaa nala leeyahay bixiya oo waxaa nalaga xidhay 50 qof oo rag iyo dumar iskugu jira. Masuuliyiintayadii Nafaqo ayay qaqabatay oo la xidhay, maantana naftiibay noogu timid oo waxay leedahay anagaaba ganacsanayna oo ganacsigii bay nagu haysataa. Cashuurtii way soo dhaaftay oo ganacsigii baabay nagu haysataa, haddaanu khalad wadno dawladdu hana qabato, haddii nalaga gar daran yahayna madaxweynaha, wasiirka daakhiliga iyo cid kasta oo ay khusaysaba waxaanu leenahay adeer nimankaas nooga soo gurmada.โ
Xukuumadda dhexe iyo dawlada Hoose ayaan wali ka hadal shaqo joojinta hiliblayaasha iyo muranka ka dhashay lacagta ay ku kordhisay shirkada Maandeeq ee maamusha kawaanka xoolaha lagu qalo.
Dhinaca kale Guddoomiyaha shirkadda Maandeeq Jaamac Rooble ayaa dhankiisa ku doodaya in dadka hilibka qalaa ka cabanayaan 5000 SLSH oo ay sababay sixir bararka ka jira dalka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โHorta waa in la fahmo cabashada dadkan(hiliblayaasha), anigu waxaan u arkaa dad aan lagu aamini karin cuntada dadka, sababtoo ah may ahayn inay dadka gaajaysiiyaan. Waxay ahayd in hilibka la qaybiyo oo wixii wada hadal ah la iskugu yimaado. Waxaanu ilaa hadda qaadnaa qiimihii 2005-tii, sidaas darteed kawaanka nadaafaddiisu ma sii shaqayn karto. Halkii aanu 6000 qaadi jiray waxaanu ku kordhinay 5000, waxaanad ka qiyaastaa qiimihii 2005-tii sida wax u kaceen, hadday lacagta tahay, hadday masaariif tahay, hadday shaqaalaha tahay, wakhtigaa 2005 litirka shidaal ahi wuxuu ahaa sodon senti, haddana waad aragtaan.โ
Jawaabta xukuumadda ayaa noqotay in bilays badan ku soo daadiso suuqa hoose ee Hargeysa gaar ahaan sariibada Waaheen.
Dad badan ayaa iswaydiinaya inta ay shicibka Hargeysi ku sii jiri doonaan hilib laโaanta.
Wararka dheeraadka ee Bandhige helay ayaa waxay tibaaxayaan in lacagta lagu kordhiyey hiliblayaasha ay ku dhaw dahay libinlaab lacagtii hore looga qaadi jiray.
Shirkada Maandeeq ee kawaanka maamusha oo ah shirkada gaar loo leeyahay ayaa waxa saami ku leh madaxdii hore ee Golihii Deegaanka Hargeysa iyo rag kale oo masuuliyiin ah.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco bandhige.