Sheekh Dirir oo Bayaamiyey Sababta uu Inta Badan Uga Cudur-daarto Xilalka Dowladeed ee loo Magacaabo

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, ayaa bulshada u bayaamiyey sababta uu inta badan uga cudur-daarto haddii loo magacaabo xilal dowladeed ama xilal heer qaran ah.

Barnaamij magaciisu yahay “Sheekh Dirir iyo kulanka warbaahinta” oo habeenkii Jimcaha lagu qabtay Masjidka Rusheeye ee Caasimadda Hargeysa oo wargeyska Jamhuuriya si kooban warbixin uga diyaariyey, waxa uu sheekhu si guud uga hadlay sida ay muhiimka u tahay in saxaafadda Somaliland iyo guud ahaan warbaahinta Soomaalidu ay mihnadooda shaqo ku saleeyaan mabaadii’da guud ee islaamka, xoriyadda iyo madaxbannaanida ay haystaan u gutaan si waafaqsan anshaxa iyo dhaqanka islaamiga ah, xeerarka dalka iyo danaha guud ee bulshada, iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo dambi iyo ciqaab Alle lagu mutaysan karo ifka iyo aakhiraba.

Haddaba, saddex suxufi oo barnaamijkaas ka qaybgalay oo kala ah; Xasan Galaydh, Badri Koosaar iyo Faysal Fifa, ayaa sheekha weydiiyey su’aallo kala duwan oo si khaas ah u khuseeya Sheekh Dirir iyo doorka uu ku dhex leeyahay bulshada, waxayna su’aalaha iyo jawaabaha uu Sheekhu bixiyey u dhaceen sidan;

Suxufi Faysal Fifa: Sheekh Maxamed Cumar Dirir, waxa aad ka mid tahay culimada waaweyn ee dalka ama Soomaalidaba, waxa ayna dadku isweydiiyaan inta badan xilalka dhanka dowliga ah ee laguu magacaabayo waad ka cudur-daarataa, markaa bal dadka u bayaami sababta aad xilalkaas uga cudur-daarato?

Sheekh Dirir: Xagga xilalka berigii ay jirtay dowladdii hore ee Kacaanka ayaa waxa dadka lagu eedayn jiray wax ah… isla markaana ah….isla markaana ah (Ahna…Ahna…ahna…) macnuhu waxa weeyaan qofku xil ayuu hayaa, haddana xil kale ayuu hayaa, haddana ku saddexaad ayuu hayaa, markaa eedaymaha lagaga caban jiray ayey ka mid yihiin, dadkuna waxay ku fiican yihiin inay takhasusaad kala yeeshaan oo qofba meel lagu ogaado. Horta waan ka cudur-daaranayaa taas aad tidhi; ‘culimada waaweyn ayaad ka mid tahay’ ee anigu ardayda ayan isku tiriyaa, waxaanna weeye in qofku uu naftiisa aqoonsado, markaa qofku marka uu diin faafinayo ee uu dawadii isku deyayo inuu dadka wax ka gaadhsiiyo, maadaama ay diintu dawo tahay, waxaana marar badan iska dhacda in wixii aad sheegaysay in sidiisa loo qaato ay xilalka aad ka haysaa ka horyimaadaan oo waadiga arkay oo xilalkuna xaasaasiyad badan ayey iska leeyihiin oo midiba meel ayuu ku yara calaamadsan yahay, markaa dhexdhexaadnimadii aad  dhexdhexaad u noqon lahayd bulshada aad wax u sheegayso iyo sidii loo qaadan lahaa dawada aad gudbinayso ayey runtii carqalad ku noqotaa marar badan, markaa qofka daaciga ahi waxa uu ku fiican yahay inuu dadkana dhex u noqdo iyo bulshadiisa, si aqoonta uu gudbinayo looga qaato oo aan loo duri karin, markaa taasi qayb weyn ayey runtii ka tahay, mararka qaarkoodna waxyaabo kale oo ku sii xeeran oo xagga qaanacaadda la xidhiidha ama in aanad meeshii (laguu magacaabay) waxba ka qaban karina iyaduna way ku jirtaa.