Sheekh Dirir oo sheegay in Ilaahay nimcooyin farabadan inna siiyey, laakiin, baddi bulshadii noqdeen kuwo ku xadgudbay

Sheekh Dirir oo sheegay in Ilaahay nimcooyin farabadan inna siiyey, laakiin, baddi bulshadii noqdeen kuwo ku xadgudbay, halkii ay ku mahadnaqi lahaayeen.

“Hargeysa keliya sariflayaashu waxay ii sheegeen in Laba Boqol oo kun ($200,000) loo sarifo Jaadka..”Sh. Maxamed Dirir.

Islaamku waxuu farayaa in qofka iyo qarankuba yeesho qorshe uu dakhligiisa iyo kharashkiisa isugu dheelitirayo, si aanu u dawarsan dhigiisa.

Hargeysa-Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, ayaa sheegay inay Ilaahay nimcooyin fara badan ummadeena siiyey, laakiin, bulshadii baddi u muuqdaan kuwo garan waayey mahadnaqeedii, oo ku xadgudbay, una soo jeediyey in dib laysugu noqdo, oo la xisaabtamo dad iyo dalba.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay jiraan sababo badan oo qofka ku xambaara inuu maalka Ilaahay siiyey si xun u isticmaalo, loona baahan yahay in qof walba ka digtoonaado.

Khudbadan oo qeybteedii hore shalay la baahiyey ayuu qeybta labaad Sheekh Maxamed Dirir ku bilaabay:

Sheekh Dirir oo ka hadlayey dhibaatada israafku keeno ayaa sheegay, dadkeenu faqri ayey ka cabanayaan, hadaad u fiirsatid miyi iyo magaalo, dadkeenu siday u noolyihiin Madax iyo Shacab, ayuu yidhi, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,
“Dadkeenu faqri ayey ka cabanayaan, hadaad u fiirsatid hadaad u fiirsatid miyi iyo magaalo, dadkeenu siday u noolyihiin Madax iyo Shacab deeqdii Ilaahay inna siiyey sida aynu u maamulayno, innagoo haddana faqri ka baqanayna. Israafka, aynu dhaqaalaha badan ku bixinayno waxa ka mid ah balwada, Jaadka, Sigaarka, Khamriga iyo dad mukhaadaraadka isticmaala.
“Jaadka dhaqaalaha lagu bixiyo, daraasad aan sameeyey, magaalada Hargeysa keliya sariflayaashu waxay ii sheegeen in Laba Boqol oo kun ($200,000) loo sarifo Jaadka, maxaa u malayn magaalooyinka kale ee dalka, iyo deegaanada Miyiga, oo xilligan noqday meelaha sida weyn loogu cunno Jaadka, maalin walba.
Sheikh Maxamed ayaa sheegay inay dalka iyo dadka uga wanaagsanayd in dhaqaalaha lagu bixiyo Jaadka, la gudbo, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi,
“Dhaqaalaha dalka iyo dadka kaga baxa Jaadka waxa u wanaagsan inta laga soo uruuriyo bulshada isticmaasha in fagaare lagu gudbo, sababtoo ah marka lacagtii la gudbo, waxa innaga khasaaray dhaqaale keliya, balse marka balwada Jaadka lagu isticmaalo, arrimo badan ayaa ku dhaafaya, dhaqaalahii, Caafimaadkii, Wakhtigii, cibaadadii, arrimahii qoyska, miyaanay ka sahlanayn markaa inta lagacta gawaadhi lagu soo uruuriyo dibedaha lagu gubo. Way ka sahlan tahay, marka la eego caqli ahaan, balse dadku taa way la yaabayaan, ta mirqaanka lama yaabayaan.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in israaf( maalkii oo six un loo isticmaalo) ku jirto dharka aynu xidhano oo aad u baan, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi,
“Dharka aynu xidhano israaf ayaa ku jira, isagoo aad u badan, sida dharkii dumarka ee jidhkoodu muuqday, ama ku dheganaa, kuwa sawirada leh ee ganacsatadu leedahay caruurtaa xiisaynaysa, dawooyinka laysku cadeeyo dhaqaale badan ayaa qoysaska kaga baxa, waana kuwa Quraanka Ilaahay inooga digay.

Xadgudub ayaa ku jira dhaqaalaha aynu ku bixino marka aynu faraxsan nahay iyo marka aynu murugaysan nahay, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,
“Xagudub ayaa ku jira dhaqaalaha aynu u adeegsano marka aynu faraxsan nahay iyo marka aynu murugaysan nahay, waxay maraysaa xafladahii aroosyadu todoba xafladood, ama u fiirsada, ama ha u fiirsaninee, intuba jiibka dadka ayey ka baxayaan, waanay qeylinayaan, waa Yaradkii, Gabaatigii, Is-barashadii Dumarka, Xafladii dumarja, Xafladii Ragga, Xeedhada lacagtii lagu ridayey, marka geeri timaadana, waa la mid, xoolaa la qalayaa waa qori-qaadkii, xoolo kale waa axankii, fidahii, qaar kalaa la qalayaa asaydii baa la dhigayaa, qaar kale waa la quraamayaa, sida ayey u soconayaan.

Xadgudub kale ayaa ka jira xoolahii ummada oo ninkii masuul looga dhigay odhanayaa manta ayey ku soo gashaye, ayuu sheegay Sh. Dirir, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,

“Xadgudub kale ayaa ka jira xoolahii ummada oo ninkii masuul looga dhigay odhanayaa maanta ayey ku soo gashaye, xusuladana iska leef, lugahana ka subko, shacabkiina tii ayey la qabsadeen, oo laaluushkii ayaa shandado lagu sidaa, oo leeyahiin, dhulkan ii xukun, anniga ii horeysii, khasnada waxa ku jira, taasoo diinta islaamku ka digtay, Ilaahayna madaxda iyo shacabka isagoo la hadlaya waxuu yidhi, “ha ku cunina xoolaha dhexdiina xaqdarro. Shacabkana ha ku laaluushina Madaxda xoolaha ayuu Ilaahay yidhi.

Sheekh Maxamed ayaa ku soo gebagebeeyey, in Ilaahay inoo nimceeyey, balse bulshadu noqotay kuwo ku xadgudbaya nimcada Ilaahay siiyey, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi, “Intaa aynu soo sheegnay iyo inkale oo ka mid tahay, waa mushkilad inna haysta oo loo baahan yahay in lays weydiiyo sababaheeda, Ma Ilaahay baan waxba inna siin mise innagaa xadgudbaya. Islaamku waxuu faray qofka iyo dawlada islaamka inay isku filaansho gaadho, oo kharashkiisa iyo dakhligiisa isku miisaamo, si aanu dadka kale u baryin, Ilaahay baa mada lehe, wuu inoo nimceeye, yeynaan ka caban.