Shiinaha oo Afrika ku caawinaya 60 bilyan oo Doollar

Madaxweynaha Shiinaha oo ka hadlayey Shirweynaha Isakaashiga Dhaqaalaha Afrika iyo Shiinaha ayaa shaaciyey in uu Afrika ugu deeqayo 60 bilyan oo Doollar. Waa lacagtii ugu badnayd ee ay dawladi hal mar ugu deeqdo Afrika.

Madaxweynaha Shiinuhu caawimadan uu Afrika siinayo wuxu ku sheegay in ay qayb ka tahay iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ku dhisan “mid labada dhinacba dan u ah.”

Madaxweyne Xi Jinping  wuxu sheegay in lacagtan ay Afrika u isticmaali doonto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta adeegyada caafimaadka, deeqo waxbarasho, suxufiyiin Afrika loo tabobaro iyo adeegga saatalaytka oo la gaadhsiiyo 10,000 oo tuulo oo Afrika ku yaalla.

Madasha uu go’aakan kaga dhawaaqay Madaxweynaha Shiinaha oo sacab aad u badan loo garaacay waxa goobjoog ahaa Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha Nayjeeriya Muhammadu Buhari, Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta iyo haweenayda madaxda u ah Komishanka Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma.

Shiinuhu wuxu sidoo kale u ballan-qaaday Afrika in uu waddamada kuwooda ugu faqiirsan ka dhaafayo daymihii uu hore u siiyey isla markaana uu siin doono daymo hor leh oo bilaa ribo ah.

Madaxweyneyaasha Afrika ayaa ugu riyaaqay ballan-qaadyadan oo sidii Shiinaha looga bartay la filayo in ay noqdaan qaar dhakhso u fula. Madaxweynaha Zimbabwe ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadkan ayaa yidhi:

“Halkan waxa inala jooga nin ay dawladdiisu mar sabool ahaan jirtay. Wuxu ka socdaa dawlad aan weligeed ina gumaysan haddana wax inoo taraysa. Waa dawlad inoo qabanaysa wixii aynu ka filaynay in kuwii ina gumaystay ay inoo qabtaan. Waxan ku sifayn lahaa in uu yahay nin Ilaahay inoo soo diray”

Dhaqaalyahanno ka faalooday taageeradan ayaa sheegay in ay lacagtani wax badan ka tari doonto horumarka Afrika, laakiin waxay walaac ka muujiyeen lacagahan badankoodu halka ay ku dambayn doonaan iyo sida looga ilaalin karo in ay ku dhacaan gacmo gaar ah iyo musuqii Afrika ragaadiyey.

Il-wareed: Wakaalada Wararka

Bandhige@gmail.com