Qoysaska Shiinaha oo loo oggolaaday in ay ilmo labaad dhali karaan

Xukuumadda Shiinaha ayaa joojisay siyaasaddii caanka ahayd ee ‘one child per family’ ama ‘qoyskiiba hal ilmo’ taas oo lagu dhaqmayey 36kii sanno ee ugu dambeeyey.

Siyaasaddan oo markii hore looga dan lahaa in lagu yareeyo korodhka tirada dadweynaha ayaa sida la sheegay waxa ay sannad kasta galaafanaysay in hooyooyinku iska soo ridaan ugu yaraan 7 milyan oo carruur ah si ay uga badbaadaan ganaax 31,000 oo Doollar ah.

Laga bilaabo maanta, 1-da January 2016-ka, xukuumadda Shiinuhu waxay qoys kasta u oggolaanaysaa in ay si sharci ah u dhalaan laba ilmo. Hase ahaatee looma oggola wax ka badan laba ilmo qoyskiiba.

Shiinuhu waa dalka dunida ugu dadka badan waxaana lagu qiyaasaa in ay ku nool yihiin hal bilyan iyo toddoba boqol oo kun oo qof.

Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay tiradaas kor u sii qaaddo, hase ahaatee xukuumadda Shiinaha ayaa haatan ku kalsoon in ay dejiyeen siyaasaddii iyo khayraadkii lagu maareyn lahaa tirada dadweynaha dalkaas ee la filayo in ay sii korodho.