“Waxa jirta caddayn culus oo muujinaysa in fayrasku ka yimid shaybaadh ku yaalla Wuhan” sidaa waxa yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Mike Pompeo.
Hase ahaatee waxa ku gacansaydhay Shiinaha oo hadalka ku tilmaamay mid aan miyirqab ahayn.
“Shaydaankii Pompeo beentiisii ayuu dhurayaa” ayaa lagu yidhi war kooban oo ay xukuumadda Shiinuhu ka sii daysay telefishanka dawliga ah ee CCTV.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo Jaamacado door ah oo dunida ka mid ah ayaa sheegay in fayraskani aanu ahayn aadame-samee isla markaana aanu ka fakan shaybaadh, balse uu yahay mid si dabiici ah ku yimid isla markaana ay dadku is qaadsiiyaan.
Madaxweyne Trump ayaa hore eeddan oo kale uGu jeediyey Shiinaha, taas oo iyadana lagu gacan saydhay.
Fayraskan ayaa ilaa galaaftay nolosha 250,000 qof oo dunida ku nool, isla markaana waxa qaaday 3 milyan iyo 6 boqol oo kun oo qof. people globally, while 3.6 million have been infected.
In kastoo ay dedaalo badani socdaan, haddana wali daawo iyo tallaal midna looma helin.