“Shir-beeleed baan qabanayaa ama siyaasadda waan ka bixi doonaa” Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe ayaa si aan kala hadh lahayn u soo bandhigay niyadjabka uu ka qaaday Golaha Guurtida isagoo ku sifeeyey in ay yihiin “gun” goor uu ka hadlayey shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa Hargeysa ku qabtay kadib markii Isniintii Golaha Guurtidu 22 bilood u kordhiyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada Somaliland iyaguna si dadban isugu kordhiyeen maadaama Dastuurku dhigayo in ay Wakiillada hal sanno ka dambeeyaan.

“Nimanka halkaa fadhiya ee Guurtida la yidhaa innagu “Gunta” ayaynu ugu yeedhaynaaye waxay is leeyihiin idinku nasteexaysta, Baarlamaanka u nasteexeeya, Xukuumadda u nasteexeeya, laakiin Somaliland way dileen” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ah ruug-caddaa xisbiga UCID soo hoggaaminayey 13kii sanno ee u dambeeyey.

Faysal wuxu sheegay in uu aaminsan yahay in Guurtida iyo Wakiilladu ay muddo-dhaaf yihiin oo marka horeba xaaraan ku fadhiyeen sidaas daraadeedna wixii ay soo saaraan aanu ahayn wax dhaqan geli kara.

“Kaadi badane waa loo gogol badiyayaaye, waxanu markii hore ogolaanay ilaa November (2016). Hase ahaatee waxan ay hadda soo saareen wuxu ku tusayaa in aanay dalka dan ka lahayn. Haddii uu Madaweynaha oo ilaa 26-ka June uun sharci ahi dikreeto uu ku laallayo go’aanka Guurtida soo saari waayo, waxa la isugu iman doonaa shir wada-tashi qaran si dawlad dalka badbaadisa loo dhiso” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha UCID wuxu ka digay in Somaliland loo tashanayo oo la hareereeyey isagoo isku xidhiidhiyey weerarkii Khamiistii ee Suldaan Wabar, shir ka dhacaya Gaalkacayo iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Awdal, Bariga Sanaag iyo Sool oo todobaadkan Muqdisho ku shirtay sheegayna in ay magaca USB isbahaysi ku yihiin (magacaas oo oo beelah deegaannadaasi ay 60-maadkiina mar isbahaysi siyaasadeed ku ahaayeen).

“Dawladdani maaha tii inaga saari lahayd arrimahaas inagu hareeraysan. 26ka June haddii la gaadhana kursiga Madaxweynaha lama kala xigo. Shir-beeleed baan isugu yeedhayaa haddii uu suurogeli waayana anigu meesha sii joogi maayee siyaasaddaba waan ka baxayaa.” ayuu raaciyey Guddoomiyuhu.

Dhanka kale wuxu si daran u dhaliilay Guddoomiya Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku sifeeyey in uu dhibaatada (muddo-kordhinta) qayb ka yahay.

“Golihiisa ayaa soo saari waayey shuruucda maanta naloogu marmarsiyoonayo. Suurtogal maaha in uu sii dhex fadhiyo Gole xaaraan loogu kordhiyey isaguna uu ku mudaharaado cid kale oo loo kordhiyey. Dunida lama arag (Speaker) Af-hayeen Baarlamaan oo haddana tartan madaxweyne ku jira” ayuu yidhi Faysal.

Ugu yaraan hal mar oo hore ayuu Faysal sheegay in uu shirbeeleed qabanayo hase ahaatee uma suurogelin. Lama oga markan in uu ficil ahaan ugaga dhabayn doono iyo in kale iyadoo dadka siyaasaddiisa ka soo horjeeda ee dhalliilaa ay ku tilmaamaan nin isbedbedel badan kuna eedeeyaan in isaga qudhiisu kursiga ku raagay halka ay taageerayaashiisu u arkaan in uu yahay waddaniyad leh hadba wixii jirana runta ka sheega isla markaana aanu cid gaar ah mar walba la safnayn laakiin uu eego oo kaliya wixii markaa taagani sax iyo khalad ka uu yahay.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Guddoomiyaha oo dhammaystiran.

bandhige@gmail.com