Shirka Garaadada Laascaanood: Gardarro Aan Garowshiyo Lahayn W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Shirkii Gooni-isu-taagga Soomaalilaan waxa hormood ka ahaa Garaad C/qani Garaad Jaamac oo ergada Dhulbahante hogaaminaayey. Waxaanu goโ€™aankii la soo noqonoshada madax bannaanida Soomaalilaan la qaatay dhammaan ergooyinkii shirka fadhiyey ee goโ€™aamiyey la soo noqoshada Soomaalilaan ee luntay 1960-kii. Waxa se u bannaan inay wixii cabasho ah ee nidaamka dawladnimo ay soo bandhigaan.

= In 1991-20023= 32 sanno ay Garaadadu yidhaahaan waanu jebinaynaa goโ€™aankaasi waa gardarro aan geedna loogu soo gabban, oo sababi karta in dhiig badani daato. Waayo dagaalladii ka dhacay Hargaysa iyo Burco 1994 dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwa lagu adkeynayey gooni-isu-taagga Soomaalilaan. In mar kale dhiiga loo shubo in qaranka laga difaaco niman dibad-wareeg ahaa waa waajib qaran.

= Sida muuqata shirkaasi waxa ka soo bixi doono maamul-goboleed ay Garaadadu Soomaalilaan odhan doonaan wuu ka madax bannaan yahay. Kaasi waxa xigi doono in tallaabo milatari laga qaado kuwa ku soo duullay nabadda gobolka Sool. Dagaalkaasi kama duwan kuwii hore loogu difaacayey qarannimada dhuleed ee Soomaalilaan.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com