Shirka Laascaanood Maxaa Laga Filan Karaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

3 Qoddob midkood ayaa laga yaabaa inuu shirkaasi ku soo dhammaado, marka laga shidaal qaato hadallada iyo ficillada ay samaynayaan Garaadada shirka hogaaminaaya.

= Haddii shirka ay miisaan ku yeeshaan kooxda la safan Garaadka guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah kooxda ugu xagjirsan ee dagaal u joogga ah, waxa dhici karta in qoddodobada shirka laga soo saaraa noqdaan kuwa kakan oo ay ugu cuslaato inay maamul-goboleed ku dhawaaqaan oo dagaal ay la galaan ciidamada Soomaalilaan ay iclaamiyaan.

= Haddii shirka ay miisaan ku yeeshaan kooxaha qunyar socodka ah ee magaalada ugu badan oo uu horkaacayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxa dhici karta inay shirkaasi ka soo baxaan qoddobo ku daaqaya in marka hore aan lagu deg degin maamul-goboleed oo Soomaalilaan aan dagaal lala gelin. Waxa ay ka cabsi qabaan haddii imika dagaal dhaco in magaalada iyo ganacsiga ay ku leeyihiin ee ugu badani uu kala daato oo dhibta ugu badani ay soo gaadho iyaga.

= In qoddobada shirka ka soo baxaya la isku afgaran waayo, lagan baqdo culayska ay leeyihiin dadkii ay Garaadadu ku kiciyeen caaddifadda iyo cunfigu ay ka niyad jabaan. Ka dibna ay shirka ka soo baxaan qoddobo aan sidaasi naf u lahayni, oo la micno ah GOLE-KAGA-KAC.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com