Shirkadda Facebookga oo ku dhawaaqday bilowga barnaamijka Internet Satalayt ah

Shirkadda Facebookga oo in ka labaatan milyam oo macaamiil ah ku leh waddamada Koonfur Afrika iyo Nayjeeriya ayaa waxay ku dhawaaqay barnaamijkii ugu horeeyay oo internet satalayt ah loogu samaynayo Afrika.

Shirkadda Facebook ayaa sheegay in ay hawshan kawada shaqaynayaa shirkadda Faransiiska ah ee Eutelsat. Satalaytkan ayey shirkaddu diraysaa sannadka soo socda ee 2016-ka, dhigista satalaytkan ayey shirkadda Facebook uga gol leedahay in uu internetka gaadhsiiyo dadka Afrika degan ee aanu internetku gaadhin.

Madaxa Facebookga Mark Zuckerberg ayaa soo dhigay ayaa sheegay in AMOS-6 oo satalaytka Afrika laga samaynayo uu dabooli doono baahida internetka ee qaybo badan oo Afrika ah.

bandhige@gmail.com