Shirkadda Oomaar waxay Dila raashin ugu qaybisay 200 oo qoys oo danyar ah

Shirkadda Oomaar Group ayaa munaasibadda bisha barakaysan ee rambadaan awgeed 200 oo qoys oo ku dhaqan magaalada Dila u qaybisay raashin noocyo kala duwan ah.

Deeqdani waxa ay ka koobnayd 200 oo haaf oo bariis ah, 200 oo haaf oo daqiiq, 200 oo haaf  oo sonkor ah iyo 80 kartoon oo baasto ah.

Qaybinta raashinkan waxa goobjoog ka ahaa maayarka Dila Ibraahim Cabdi Xaaji iyo qaar ka mid saraakiisha sarsare ee shirkadda Oomaar Group.

Guddomiye Ibraahim Cabdi wuxu mahadnaq u jeediyey shirkadda Oomaar, wuxuna xusay in raashinku dadkan danyarta ah ee Dila laga soo xulay uu soo gaadhay wakhti ay aad ugu habboon.

Qaar ka mid ah dadkii raashinka la guddoonsiiyey ayaa iyaguna mahadnaq iyo duco isugu daray saraakiishii metelaysay shirkadda Oomaar ee munaasibadda raashin-qaybta ka qayb-galay.

bandhige@gmail.com