Shirkadda Samsung waxay sheegtay in baytarigu sababay gubashada taleefanka Galaxy Note 7

 

Shirkadda Samsung  waxay baadhitaan ku samaysay sababta uu la kululaanayay ama la gubanayay taleefoonkeeda Galaxy Note 7 ayaa waxay ogaatay in mushkiladdaasi ay ka imanaysay cilad gashay baytariga.

Shirkadda ayaa bishii October ee sannadkii hore joojisay iibinta taleefankan kadib markii ciladdaas lagu arkay.

Isniintan ay shirkaddu sheegtay in ciladdaasi ay ku egtahay baytariga oo kali ah isla markaasna aysan la xidhiidhin qaybaha kale ee taleefoonka.

Waxaa loo malaynayaa in shirkaddu ay khasaartay 5.3 bilyan oo doolaar kadib markii ay joojisay iibinta talefoonkaas isla markaasna ay soo celisay kuwii ay iibisay, kadib markii ay ka cawdeen macaamiishu, arrintaas ayaana dhaawacday sumcaddii shirkaddaas oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Shirkadda ayaa ciladda Galaxy Note 7 ku faahfaahisay war qoraal ah oo ay soo saartay.

Shirkaddu waxay sheegtay in qaabaynta taleefanka iyo labo warshadood oo talefoonadda lagu sameeyo ay kaalin ku lahaayeen ciladda baytariga gashay.

bandhige@gmail.com