Shirkadda SBI waxay Xarunta Agoomaha Hargeysa ku wareejisay lacagtii ka soo baxday barnaamijkii “cab oo sadaqayso”

Maamulka iyo masuuliyiin shirkada Sharaabka ee Somaliland Beverage Industries  ee maka lasoo gaabiyo magaceeda la yidhaa ( SBI ) ayaa maanta xarunta agoomaha ee magaalada Hargeisa ku wareejisay  Lacagtii sadaqada ahayd ee ka soo baxday barnaamijkii bishii ramadaan ka socday dalka ee ay ugu magacdartay (Cab oo Sadaeyso)

Warshaddan soo saarta  sharaabka ee SBI ayaa muddadii lagu gudo jiray  bishii barakaysnayd ee Ramadaanka ka hir galisay barnaamijkan Cab oo sadaqayso iyadoo lacag uga jartay sharaab kasta oo bishaas la iibsado, lacagtaas oo ay ugu tala galeen inay ku caawiyaan caruuta ku jirta  xarumaha agoomaha ee magaalda hargeisa

Xafladan lacagaha lagula kala wareegayay ayaa ka dhacday shir jaraa’id oo uu maamulka warshadu ku qabtay xarunta warshada sharaabka SBI waxaana ka soo qayb galay, wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland,  Madaxa hawl galinta ee warshada sharaabka ee SBI iyo xubno kale oo ka socday xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo lagu shaaciyey in warshadu ku wareejisay xarunta agoomaha wixii ka soo baxay ee sadaqo ahaa sharaabkii  bishii ramadaan la cabay.

Waxa ugu horeyn ka hadlay ka hadlay shirkaa jaraa’id maxdaxa hawl galinta Warshada  sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geelle waxaanu si buuxda uga waramay barnaamijka ay shirkadu hir gelisay iyo xadiga lacageed ee ka soo xarooday waxaanu yidhi sidan “ hadii aanu nahay maamulka shirkada SBI waxaanu maanta halkan ka cadaynaynaa oo aanu ku soo bandhigaynaa natiijadii barnaamijkii aanu bilawnay ramadaan bilawgeedii kaas oo aanu ugu magac darnay cab oo sadaqadayso, taas oo macnaheedu aanu uga jeednay in caagad walba oo sharaab ah oo SBI ay soo saarto aanu konton shillin uga jaraynay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, waanan ku faraxsanahay inaan sanadkii labaad ka hir galino dalka barnaamijkaas  waanan ku faraxsanahay ,

Dhinaca kale waxa uu faahfaain ka bixiyey lacagta kaso xarootay banaamijkan intii uu socday ee sadaqo ahayd waxaanu yidhi sidan’’ barnaamijkani maaha kii noogu horeyey runtii waa sanadkii labbaad ee aau hir galino barnaamijkan, sanadkan lacagta kazoo xarootay barnaamijkan waa lacag dhan $ 15345 halka ay sanadkii horena ka ahayd $ 14000

waxaanan u mahad celinayaa macaamiisha qiimaha leh ee SBI kuwaas oo ka qayb laxaad leh ka galay barnaamijkan qiimaha badan meel kasta oo ay joogaan iyo waliba shaqaalaha shirkada SBI oo iyaguna dedaal dheeraad ah galiyey sidii ay ugu wacyi galiyeen bulshada barnaamijkan sidoo kale waxan halkana uga mahad celinaya Wasaarada Diinta iyo Awqaafta kuwaas oo had iyo goor nala barbartaagan taageeradooda iyo sidii aanu u hirgalin lahayn barnaajimkan oo iyagu qayb laxaad leh ka qaatay, runtii xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysi waa meel dhalinyaro fara badan oo aan baahidooda aan la dabooli karin joogaan kuna jirta meelaha meelaha loo baahan yahay in wax la taro.

Sidoo kale waxaa isna shirkaa ka hadlay Siciid Cabdi Gaboobe oo ka mid masuuliyiinta xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa  ayaa u mahadceliyey maamulka shirkada iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomida barnaamijkan waxaanu sheegay in deeqdani lacagta ah ee u soo baxday xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa ay wax badan ka tari doonto baahiyaha kala gedisan ee ka jira xaruntaasi.

Ugu danbayntiina wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Axmed ka hadlay shirkan sheegayna in ay caruurta xarumaha agoomuhu ay aad ugu reeyeen ajar iyo xasaanad badanina uu ku jiro barnaamijkan kuno dhiiri galiyey shirkadu inay halkaa ka sii wado dadaalka ay ku jirto xarunta Hargeysa.

Gebogebadii shirka ayaa maamulaha hawl galinta shirkada sharaabka ee SBI  Mustafe Cismaan Geele ayaa halkaas ku gudoonsiiyey ayaa masuuliyiinta xarunta agoomaha lacagtii uga soo xarootay barnaamijkaasi.