Shirkaddii lahayd diyaaraddii luntay ee Malaysiya oo 6000 oo qof shaqada ka eriday

Shirkadda Malaysia Airlines beryaha qaar waa la majeeran jiray, maantana magaceeda waa laga sasaa. Sannadkii tagay waxa ku dhacay masiibooyin baaxad leh. Waxa la waayey ilaa maantana aan raq iyo ruux la ogayn mid ka mid ah diyaaradaheedii tu kalena waxa soo riday gooni-goosatada Yukrayn, kuwaas oo isku gayn sababay dhimashada 537 qof muddo afar bilood gudahood.

Dhacdooyinkaas argaggaxa leh oo baadhitaannada la sameeyey ay muujinayaan in shirkaddu aanay midna khalad ku lahayn waxay meesha ka saareen macaamiishii ugu badnayd ee ku safri jiray diyaaradaha Malaysia Airlines.

Mid ka mid ah dadkii hore sida joogtada ah ugu safri jiray Malaysia Airlines oo wax laga weydiiyey sida uu shirkaddan hadda u arko wuxu yidhi.’

“Haddii aniga oo hurda aan ku riyoodo Malaysia Airlines waxan soo baraarugaa aniga oo argagaxsan”

Shirkaddan oo hadda ka samirtay macaash-raadin waxay la tacaalaysaa oo kaliya sidii ay u sii noolaan lahayd, waxayna eriday 6000 (lix kun) oo qof oo ka mid ah 20,000 ee qof ee u shaqeeya si ay u dhinto kharashkeeda.

Maareeyaha Christoph Mueller wuxu sheegay in ay ku talo jiraan in ay xataa iska bedellaan magacii shirkadda iyo weliba calankii qaranka ee ay sharaf ahaanta u huwanaan jirtay.

“Wax kasta oo dadka xasuusinaya wixii aanu ahaan jirnay dhib bay nagu keenayaan” ayuu yidhi 52-ka Jirka Jarmalka ah ee shirkaddan maamulaa.

Marka laga yimaad masiibooyinkii adhaxda ka jabiyey diyaaraddan, waxa u dheer maamul xumo baahday iyo kharashaadka oo aad ugu badan. Marka loo barbar dhigo shariikadaha aynigeeda ah waxay kharash ahaan dheer tahay 20% taas oo lagu tilmaamay wax aan la aqbali karin marka loo eego hannaanka caalamiga ah ee maamulka diyaaradaha.

bandhige@gmail.com