Shirkii 8aad ee qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland oo ku qabsoomay Hargeysa

Shirkii 8aad ee qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ee afka qalaad lagu yidhaa “High Level Aid Coordination Forum- HLACF” ayaa maanta ku qabsoomay Hargeysa iyadoo ay ka soo qayb-galeen 30 xubnood oo wufuud caalami ah oo ka kala socotay safaarado, hay’ado caalami ah iyo Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa markan ujeeddadiisu ahayd in lagaga wada hadlo sidii mashruuca “Somaliland Special Arrangement” oo haatan qorshe kaliya ah loogu rogi lahaa ficil.

Shirka waxa ka qayb-galay hadallona ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin taageerada ay Somaliland ka hesho bulshada caalamka sidoo kalena xusuusiyey qaadhaan-bixiyeyaasha in Somaliland ay halka ay maanta taagan tahay ku soo gaadhay dedaalka dadkeeda iyo xukuumaddeeda.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Peter de Clercq oo ah Isu-Duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxu sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageeradeeda ay siiso Somaliland.

Dhinaca Somaliland waxa ka qayb-galay wasiirro, xildhibaano iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Bandhige@gmail.com