Shirka bilaha ah ee Dhex Mara Wasaaradda Beeraha Iyo Hay’adaha Ay Wada-shaqaynta Leeyihiin Oo Maanta Qabsoomay

Maalintii Axaddii oo ku beegan 21-ka bisha afraad ee Sannadka 2019-ka, waxa Xarunta Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay Shirka Bil Walba Hal mar ay yeeshaan Wasaaradda Hormarinta Beeraha iyo Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin.

Shirkan oo lagu faaqido Mashaariicda ay Hay’adaha Wasaaradda ay wada-shaqaynta leeyihiin ka wadaan Gobollada kala duwan ee Dalka isla-markaana ay soo qaban-qaabiso Waaxda Qorshaynta, tirakoobka iyo xidhiidhka ee Wasaaradda H.Beeruhu, ayaa waxa furay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mr. Saam Axmed Jaamac.

Waxaanu markaa ka dib, kusoo dhoweeyay Agaasimaha saadaasha hawada iyo dhulka mr. Abdiqani oo isaguna warbixintii roobka dalka ka da,ay iyo xaalada roobka la filayo inshallaah soo bandhigay.
Waxa isagana shirka ka hadlay labo agaasime waaxeeydo ee research ka iyo production ka ee wasaarada H. beeraha oo mid walba si tafotiran uga hadlay muhiimada wax soo saarka iyo mudnaanihiisaba.

Waxaa markaas kadib shirka soo jeediyay warbixino kooban Masuuliyiinta ka socday Hay’adaha oo iskugu jiray Dad Ajaanib ah iyo Muwaadiniin Madax ka ah Hay’adaha Dalka ka hawl-gala, ayaa markaa mid mid u soo bandhigay Waxyaabihii u qabsoomay iyo Waxyaabaha u qorshaysan Sannadkan bilowga ah.

Shirkan oo muhiim u ah Wada-shaqaynta Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha ayaa la qabtaa bil walba axada ugu horeysa.