Shirka sannadlaha ah ee ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay Addis Ababa, shirkan ayaa waxa kasoo qayb galaywaddamada qaarad da Afrika marka laga reebo Burundi iyo Koonfurkta Suudaan.
Shirkan qodobada lagaga hadli doonno wax aka mid ah qalalaasaha Burundi, Koonfurta Suudaan iyo arrimo kale oo badan.
Waxaa kullanka furay madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo baneynaya xilka madaxa qaaradda Afrika.
Furitaanka shirka waxaa hadashay, Dr Dlamini Zuma, oo u tacsiyeysay askarta nabad ilaalinta ee ay sheegtay in ay dhinteen ayagoo shaqo ku jira.
Waxay sidoo kale soo dhaweysay madaxda cusub ee qaaradda sida kan Tanzania, Magafuli.
Xoghayaha guud ee Qaramada midoobeey Ban Ki Moon ayaa khudbadiisii ugu dambeysay ee Midowga Afrika ka jeediyay madasha.
Xoghayaha Qaramada Midoobay waxa uu tilmaamay in dacwadda lagu oogay madaxweynihii hore ee Chad, Xuseen Habre ay tusaale u tahay heerka xuquuqda aadanaha ee Qaaradda.
Waxa uu soo dhaweeyay in dad ka shaqeeya xuquuqda aadanaha loo diro dalka Burundi, ayadoo madaxweynaha dalkaasi aan la soo hadal qaadin lamana oga in uu shirka ka qeybgalayo.
Sannadka ayaa waxa doorasho ka dhici doontaa 17 waddan oo ka tirsan Qaaradda, hase waxa uu Ban Kii Moon dhalleeceeyey waddamada madaxdoodu xukun jacaylka ay u bedeleen dastuurkoodi si ay mar saddexaad iyo afaraadba xukunka u sii hayaan.