Wada-hadalladii hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya oo ka furmay Turkiga

Waxa maanta ka furmay Ankara shirka wada-hadalada hawada Somaliland iyo Soomaaliya, shirkan ayaa waxa ka qayb galaya xubno ka kala socda Somaliland, Soomaaliya iyo Ha’ayadda maamusha ICAO oo maamusha hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa waxa uu dhignaaa sidan:

Warsaxaafadeed

“ Waxa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaasi oo saaka subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi iyo  sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.

Shirka ayaa maanta ku soo dhammaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo barina uu sii socon doono.”

Xubnaha Dawladda Somaliland.

1.Maxamuud Xaashi Cabdi,        :Wasiirka Duulista iyo Hawada

2.Saciid Cabdi Maxamed             : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada

3.Saciid Mahdi Ileeye,                 : Agaasimaha Waaxda Duulista

  1. Axmed Cumar Caga-dable,    :  La Taliye

Xubnaha Dawladda Soomaaliya

1.Cali Axmed Jaamac (Gangali)  Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka

2.Cabdiwaaxid Cumar            : Agaasimaha Duulista

3.Maxamed Khaliif                  : La Taliye

4.Axmed Cabdiraxmaan          :Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

1.Ivan Galan                     :  Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka

2.Nancy Onyedim               : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Dawladda Turkiga

  1. Olgan Baker             : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya
  2. Kareem Yilmaz         : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada
  3. Hulusi Kilic                 : Agaasimaha bariga Afrika
  4. Ahmed Riza Demirer  : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya
  5. Seval Ince  :                 Air Traffic Controller

 

ALLA MAHAD LEH.

Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada

DSCF5027