Shirkii xisbiyadu mucaaridka oo habsami uga socda Hargeysa

Xisbiyada Waddani iyo UCID waxa ay ugu dambayntii awood u yeesheen in ay qabsadaan shirarkoodii kadib markii ay Maxkamadda Sare ee qaranku sidaas u fasaxday.

Waxaana ciwaan looga dhigay Shirka “SHIRKA WADA-JIRKA AH EE LABADA XISBI UCID IYO WADDANI EE LAGU QIIMAYNAYO XALADDA DALKA”

Sida ka muuqata magacan ayaa logu talo galay in la waafajiyo dastuurka iyo qawaaniinta dalka utaal, sidoo kale waxan door ku lahayn MADASHA  wada tashiga,

Shirkan waxaa ka soo qayb galay hogaanka Xisbiyada Mucaradka ee xUCID iyo WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe iyo sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Siyaasiyiin iyo madasha wada tashiga, madaxweye xigeenkii ugu horeeyay Xasan Ciise Jaamac iyo marti sharaf kaloo badan

 

Ugu horayn waxaa ka hadlay gudoomiyaha shirkan Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sharaxad ka bixiyay u jeedad shirkan isagoo sheegay in shirkan lagu qiimaynayo arrimha dalka ka taagan, wuxuuna sheegay in shirkan lagaga hadli doono hoggaan la’aanta, go’doonka siyasadeed iyo qaddiyada Somaliland, qiimaynta sharciga dalka, ammniga dalka, arrimaha bulshada sidoo kale waxaa lagaga hadli doonaa sixirbararka.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaani socon doono muddo 2 laba cisho ah lana soo gaban gabayn doono bari galinka danbe, sidoo kale wuxuu sheegay hadii loo baahdo in lagu dari doono malin kale,

 

Waxaa iyaguan ka hadlay gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka waxayna  sheegeen in shirkani laga filayo waxyabo dhaxal gala oo ummadan u cuntama sidoo kale waxay sheegeen in aanu noqon doonin mid cid bartilmaameedsada,

Sidoo kale waxay sabab uga dhigeen shirkan markii ay ku qanceen in wakhti xadirkan Somaliland ubaahan tahay talo qaran oo lagaga bixi karo howla adage ee horyaala sida doorashada oo xiligedii dhaaftay,

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xasan Ciise Jamac Madaxweyne-xigeenkii ugu horeyay Somaliland ugu horey wuxuuna yidhi sida tan

Waxaan ku tahniyadaynayaa Shirkan Quruxda badan ee Khayrka qaba ee inoo bilaamay,aad iyo aad baad u mahadsantihiin. Qodobadda ajandaha inoo jira kasii hordhi mayo,oo wakhti ayaynu u heli doonaa Haddii ALLAH yidhaahdo aynu ka bogano oo aynu falan-qayno. Eray baan odhanayaa oo ah Xukuumadda Somaliland ka talisa waxa inagaga filan inay garan weyday inay sharafta shirkan qaado,oo judhii u horaysayba ay aqbasho.Xukuumaddani waxay garan weyday inta Ninkii Dhagaha la’aa gartay,ee uu yidhi in aan gardaranahay waxa lagu garanayaa Dadka oo dhanbaa faraha igu soo fiiqaya”.