Shirwaynihii 4aad ee xisbiga kulmiye oo ku beegnaa bisha June ayaa dib loo dhigay 

Shirwaynihii 4aad ee xisbiga kulmiye oo ku beegnaa bisha June ayaa dib loo dhigay

Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa shaaciyay in dib loo dhigay shirwaynihii 4aad ee xisbigaas oo ku mudaysnaa in la qabto bisha June ee sannadkan.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheeree ayaa warbaahinta u sheegay in shirkii xisbiga dib loo dhigay, muddo aan cayin nayn.

Gudoomiye Axmed oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in aanu qabsoomayn shirkaasi illaa inta uu jiro xanuunka dunida aadka u fidaya ee Covid-19.

Hoos ka daawo Muuqaalka warkan:

Bandhige@gmail.com