Shirweynaha Afaraad ee dallada SONSAF oo dib loogu doortay hoggaankii hore

Shirweynaha afaraad ee dallada ay ku midoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland (Somaliland Non State Actors Forum “SONSAF”) ayaa waxa uu maanta ka furmay Hudheel Ambasadoor ee Hargeysa.

Shirkan afaraada ee SONSAF ayaa waxa ka soo qayb galay furitaankii Madaxweyne-xigeenka, ahna kusimaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”, masuliyiinka ka socday xisbiyada, xubnaha matalayeye qaybaha ku midoobay dalladan iyo dadweyne kale oo daawadayaal ahaa.

Guddoomiyaha SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo hadal ka jeediyey shirweynaha, ayaa ka warramay heerarka kala duwan ee dalladu soo martay tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2008-dii, qaybaha bulshada ee dalladu ka kooban tahay, waxqabadkii labadii sanno ee Guddoomiyaha ka ahaa iyo doorkii ay kaga jiraan horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee qabsoomay sannadihii 2010 iyo 2012-kii. Isagoo arrimahaasa ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxyaabaha aannu ka shaqayno ee hawlahayaga ugu sarreeya waxa ka mid ah ka falanqaynta siyaasadda, ka doodida arrimaha siyaasadda oo ay bulshada rayidku intay fadhiisato ay ka tashato, iyagoo mar walba gacan siinaya golayaasha Qaran ee aynu leenahay, xisbiyada siyaasadda ee inoo samaysan xidhiidh wanaagsan oo dhaw ayaanu leenahay. Sidoo kale, waxyaabaha ugu badan ee aannu ka shaqayno waxa kow ka ah dimuqraadiyadda, labadii doorasho ee ugu dambeeyey oo ah intii ay jirtay SONSAF ee kala qabsoomay 2010-kii iyo 2012 waxaannu ka shaqaynay goob-joogayaashii gudaha ee doorashada la socday oo ah meelaha aad muhiimka u ah.”

Sidoo kale waxa iyaguna ka hadlay furitaanka shirwaynaha afaraad ee dallada SONSAF Murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga Waddani Maxamed Cismaan Fadal, ayaa iyaguna ka hadlay doorka muhiimka ah ee SONSAF kaga jirto geedi-socodka hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanay ugu hambalyeeyeen dallada shirweynaheeda afraad.

Waxa gabgabadii furitaanka shirka ka hadlay Madaxweyne-xigeenka, ahna kusimaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo ka waramay doorka ay SONSAF kaga jirto horumarka dalka iyo in ay tahay meel ku dhan yihiin laamihii aan dawliga ahayni. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Qaran wanaaggiisa iyo quruxdiisa waxa laga dheehdaa bulshadiisa rayidka ah, waxay ilaaliyaan shaqada dawladaha, masuuliyadduna dadka way wada saaran tahay, waxa laga yaabaa in mar walba diiradda la saaro dawladda uun hadday maamulkeedu xun yahay iyo hadday musuqmaasuq ku dhaqanto, laakiin waa in cid kasta oo innaga mid ahi waxay hayso nidaam waadax ah oo aan musuqmaasuq lahayn ka dhigto iyo qof waliba isagu isa saxo, waxaynu u baahan nahay in aynu noqon Qaran ku wada-shaqeeya hufnaan.”

Madaxweyne-xigeenka isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Markaa ururradeena bulshada waxa looga baahan yahay iyagaa inta ugu badan qaybaha bulshada matala ee in ay wax saxaan, waayo inta aqoonta lehi waxay fursad u heshay markaa in ay wax saxdo, iyadoo ka reebban qabyaalad, saaxiibtinimo iyo nin-jeclaysi, markaa waxaan idinku boorinayaa dalkeenna qabyo badan baa jirta ee in aynu ka wadashaqayno.”

Furitaanka ka dib ayaa waxa loo gudo galay soo bandhigida waxqabadkii dallada ee labadii sanno ee tagay.

Intaas ka dib waxay xubnaha ergooyinka ka kala socday qaybaha kale duwan eek u midoobay SONSAF soo doorteen Guddiga Sare ee dallada, kuwaas oo iyaguna Guddoomiye u doortay Guddoomihii hore ee dallada Mustafe Sacad Dhinbiil.

Sidoo kale waxay Guddoomiye-xigeen u doorteen Aamin Faarax Caarshe oo hore iyaduna u ahayd Gudddoomiye-xigeenka SONSAF.

Hoggaankan la doortay ayaa hoggaamin doona dallada SONSAF labada sanno ee soo socda.

bandhige@gmail.com