Shuban-biyoodkii ka dillaacay bishii April 2017 magaalada Burco wuxu saameeyey 5200 oo qof. Sidaa waxa lagu sheegay warbixin ay diyaarisay UNICEF oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee Qaramada Midoobay ee Somaliland.
Warbixinta oo dhammaystirani waxay u dhigan tahay sidan:
XANUUNKA LOOGA SHAKISAN YAHAY DAACUUNKA EE KA DILLAACAY SOMALILAND AYAA MASIIBO KU NOQDAY QOYSAS BADAN
Roobabkii dhawaan ka da’ay Somaliland waxay dadka ka dabciyeen culayskii ka dhashay abaartii daba-dheeraatay ee Somaliland, hase ahaatee waxa dillaacay shuban-biyood/daacuun masiibo ka dhalatay oo saameeyey kummanaan qof oo saddex meeloodow meeli carruur tahay.
Burco oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Somaliland maalin walba waxa Xarunta Dawaynta Daacuunka la keenaa 100 bukaan, taas oo ka dhigan in dadka xanuunkani saameeyey ay labanlaabmeen.
Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa xarunta daacuunka lagu daweeyo kula soo orday aabihii, xaaskiiska iyo afar ka mid ah 12-kiisa carruurta oo ay shuban iyo matag isugu birreen. Ayaan darro, saddex ka mid ah carruurtiisa oo da’doodu kala ahayd laba bilood, saddex sanno iyo lix sanno ayaa dhammaantood dhintay. Mid ka mid ah hablihiisa oo la yidhaa Najma ayaa ka badbaaday afartiisa caruurta ahayd ee la keenay xarunta lagu daweeyo daacuunka. Qoyskani may ogayn in biyaha wasakhaysan ee ka soo qulqula xero-dhiigta gurigooda u dhaw ay wataan bakteeriya keenta daacuunka, sidaas daraadeed biyahooga kumay dawayn jirin kiniinka biyaha lagu sifeeyo.
“Maanaan ogayn in loo baahan yahay in aan biyaha ku wadayno biyo-sifeeye. Hadda kiniinkan waanu isticmaalnaa laakiin waa markii ay saddex carruur ahi naga dhinteen kadib” ayuu yidhi Maxamed Cabdi.
Cabdi Cumar Xirsi, aabaha 10 carruur ah, ayaa Xarunta Dawaynta Daacuunka yimid iyadoo xaaskiisa Saynab iyo afar carruur ah oo uu dhalay ay la il-daran yihiin shuban-biyoodka. Ilmo laba maalmood oo kali ah jiray, wiil afar jir ah iyo gabadh 18 bilood jirtay ayaa u geeriyooday xanuunkan iyadoo ay xaaskiisa iyo gabadh uu dhalay oo sagaal sanno jirta xaaladdoodu ka soo raynayso.
“Marka aan haysto biyo-sifeeye waan ku daweeyaa biyahayga laakiin marka aanan haysan waxan ku daweeyaa asalka oo ah geed ay dadku muddo dheer biyaha ku daweeyaan kaas oo wali la isticmaalno” ayuu yidhi Cabdi.
Bisha Cas ee Somaliland iyo UNICEF ayaa Xarunta Dawaynta Daacuunka siiya qaybo ka mid ah agabka ay u baahan yihiin. Laga soo bilaabo markii xanuunkani ka dillaacay burco bishii April 2017 ilaa hadda waxa u soo dhacay 5200 oo qof, kuwaas oo marka saddex meelood loo qaybiyo ay meel i carruur tahay.
Xanuunka daacuunka waa la dawayn karaa haddii wakhti hore la ogaado. UNICEF waxay taageertaa 9 xarumood oo daacuunka lagu daweeyo oo ku yaalla Somaliland, kuwaas oo uu taageero Komishanka Yurub u Qaabilsan Arrimaha Baniโaadanimada iyo Dhawrista Dadweynaha oo magaciisa loo soo gaabiyo โECHOโ iyo xafiiska Maraykanka u Qaabilsan Masiibooyinka Waddamada Shisheeyaha ee loo yaqaan โOFDAโ.
Waa markii koowaad ee shuban-biyoodka/daacuunku ka dillaaco Somaliland sannado badan. Kumanaan qof ayaa u guuray Burco iyo agagaarkeeda iyagoo raadinaya cunto iyo biyo kadib markii ay ka soo baro kaceen abaar xun oo saamaysay deegaannadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo aan haysan musqulo.
Hase ahaatee dedaal badan oo ay sameeyeen xukuumadda Somalialnd, UNICEF iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah, dadkii dhulka lahaa waxay hadda ogolaadeen in musqulo laga dhisi karo dhulka ay dadkan abaaraha ka soo baro-kacay soo dageen, waxaana musqulahaas dhista UNICEF oo kaashanaysa ururrada ay wada shaqeeyaan.
Xigasho: UN in Somaliland
Linkiga hoose ka akhriso maqaalkan oo af-Ingiriisi ku qoran.
https://www.unicef.org/somalia/reallives_20194.html