Sicir-bararka ka jira Kenya oo kasii daraya

NAYROOBI — Dalka Kenya, oo dhowaanahan sicir-barar uu ka jiray, waxaa sare u sii kacaya qiimaha shidaalka, iyada oo lacag hor leh lagu daray qiimihii hore ee shidaalka lagu iibin jiray.

Arrintan ayaa saamayn xooggan ku yeelatay guud ahaan bulshada, gaar ahaan dadka ku shaqeysta gaadiidka qaada dadweynaha ee takaasida.