“Sida ugu macquulsan ee ay ka fursan waydo ayaan u soo af-jaraynaa arrinka Taliye Caarre” Wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka gaashaandhigga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(XAWAR)oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay soo Af-jarida xaalada taliye Col Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo mudooyinkii u danbeeyey ciidanka qaranka ka ahaa dibad wareeg kadib markii uu galay duurka deegaanada gobolka Sanaag, warar dheeraad ah oo ka soo baxaya ayaa sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Higle oo ah duleedka magaalada Qardho ee xarunta maamulka Puntland kaasi oo sheegay sida waraysi uu bixiyey in uu halkaasi ka soo abaabulayo maleeshiyo ka dhan ah Somaliland.

Wasiirka oo arimahaasi ka jawaabay ayaa sheegay in dawlada Somaliland aysan u habran doonin cid kasta oo khal-khal galisa amaanka dalka waxaanu fariin cad u diray in Maleeshiyada uu hogaamiyo Taliye Col Siciid Cawil Jaamac(Caarre) aysan ka aqbali doonin in uu fad qalalo ka rido Somaliland, hadii uu ka waan toobi waayo ficiladaasi uu samaynayana ay ka xukuumad ahaan iyo ka wasaarad ahaanba ay wax ka qaban doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) waxa hadaladisii ka mid ahaa’’Wada hadal waa jiraa dabcan waa lala hadlaa oo xidhayaashiisa ayaa la hadla iyo odayaashiisa Maqaam kasta  ha gaadh-siis naadaane, Saraakiisha iyo taliska ciidankaa la hadlay hadana waaxaad moodaa in aanu waxaas oo dhan dhag u dhigayn oo aanu wax ku qaadan anaguna hada waxaanu taaganahay halkii ugu danbaysay oo aanu xal waara oo ay hawshaasi ku so oaf-jarmi lahayd aanu ka gaadhno’’Ayuu yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar).

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay Wasiirku in ay xukuumada u yaalo so oaf-jarida arintaasi Taliyaha waxanu mar kale yidhi(Ama Nabad galiyo aanu ku dhamayno oo wali Jaanis furan ah, oo dad wax garad ah iyo taliska iyo wasaaraduba aanu eegno ilaa heer Madaxwayne haduu taas ku caasiyo oo uu xal u arki waayana in ka qaran ahaan khasab nagu tahay in sida laga fursan waayo aanu ku so oaf-jarno’’Ayuu Yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed yuusuf(Xawar).

Haddalkani ayaa ah mid xukuumada Somaliland ay bayaan cad kaga soo saartay xaaladda Taliye Col Siciid Cawil Jaamac(Caarre), oo mudooyinkan u danbeeyey taagneyd kadib markii uu ka goostay ciidanka qaranka ee ku sugan deegaanka Ceel Af-weyn.