Sidee ayuu carruurta u sameeyaa COVID 19?

Waxa su’aalo badani ka taagan yihiin sida caabuqa COVID 19 uu carruurta u sameeyo iyo khatarta ay uGu jiraan in ay u geeriyoodaan inta ay leeg tahay.

Ilaa hadda xogta adduunka laga ururiyey waxay tibaaxaysaa tirade carruurta ee uu xanuunkani ku dhacayo in ay kooban tahay, isla markaana xaddiga xanuunka ee ay caruurta uu xanuunkani haleelay ay aad uga yar tahay marka loo barbar dhigo dadka waaweyn, sidoo kalena ay dhimashadoodu kooban tahay.

Daraasado ay sameeyeen Ingiriiska iyo Faransiisku, waxay ku sheegeen in tirade carruurta ee xanuunkan qaadaysaa ay aad uga yar yihiin ta dadka waaweyn, taas oo macnaheedu yahay in aanu xanuunkani carruurta dhakhso ugu dhici karayn. Sidoo kale, daraasaduhu waxay tibaaxeen tirade carruurta ee aad u xanuunsatay markii uu caabuqani haleelay in ay aad uga yar tahay ta dadka waaweyn, kana kooban tahay 1% (boqolkiiba hal).

Tirada dhimashada carruurta ayaa iyadana lagu qeexay “dhif”.

Haseyeeshee carruurta ayaa la sheegay in gudbinta ay xanuunkan gudbinayaan ay ula siman yihiin da’aha kale ee dadka. Sidaas daraadeed in kastoo aanu iyaga xanuunku dhibaato weyn ku hayn, haddana dadka way qaadsiin karayaan.

Hase ahaatee WHO ayaa sheegtay in cilmi-baadhista arrinkan ku saabsan ay iska soo daba-dhacayso, sidaas daraadeed in kastoo carruurta iyo da’yarta u dhimanaysaa ay yar tahay, haddana waa in hadda laga soo qaadaa in ay qaadista xanuunka ula siman yihiin dadka.

Si kastoo ay tahay, waddamo badan ayaa hadda ka fikiraya in ay dugsiyadii dib u furaan, carruurtana u fasaxaan dibadda, taas oo culimada caafimaadka adduunku ka warwarsan yihiin in ay kordhisa fiditaanka xanuunka.

Il-wareed: Aljazeera