Ururka horumarinta dhallinyarada ee Somaliland Y-PEER ayaa bishii saddexaad qoreyaasha da’da yar u qabtay tartan ku saabsan caafimaadka taranka iyo dhallinyarada. Guddidii qiimayntu waxay kaalinta 3aad guddoonsiiyeen Isra Wali Daauud oo ku nool Hargeysa. Hoos ka akhriso maqaalkeeda.
Sidee loo dabargoyn karaa xanuunada ku faafa galmada (WQ: Isra Wali Daauud)
Xanuunada lagu kala qaado galmadu waxay gaadhayaan sideed, laakiin waxa la dawayn karaa oo kali ah afartan: (chlamydia), jabtada, waraabowga iyo herbiska. Afarata kale waa cudurada waaweyn ee aan laga bogsan karin isla markaana dhibaatooyinka culus caafimaadka u gaysta waana beerxanuunka (Hepatitis B), HIV-ga, Human Papilloma Virus iyo Chancroid. Waxase jira dawooyin lagula tacaalo ama astaamahooda lagu yareeyo.
Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay ma la dabargoyn karaa ama xal ma loo heli karaa xanuunada galmada ku faafa? Jawaabta oo koobani waa haa. Waa la dabargoyn karaa ama si aad ah ayaa loo yaran karaa haddii dedaal badan la sameeyo. Xal-u-helidda ama dabargoynta mushkiladdanina waxay ku jirtaa in la raaco istiraatijiyado dhawr ah oo isku ladhan, kuwaas oo qaarkood diini yihiin qaarna saynis.
Istiraatijiyadda koowaad waa barashada diinteena Islaamka. Markaan eegno sababaha AIDS-ka iyo xanuunda kale ee lagu kala qaado galmda, waxa inoo cad in dhaqano aan islaamka lug ku lahayn ay kordhiyaan cuduradan. Dawlado badan ayaa lacag ku bixiya ka-hor-tagga iyo daawaynta cuduraddan, laakiin taasi kaligeed dhibaatada wax kama tarayso haddii aan lagu ladhin dhaqannada ay ina fartay diinteenu.
Diinta Islaamku waxay dhiirigelisay in ragga iyo dumarku is guursadaan marka ay awood u leeyihiin in ay is gursadaan. Haddii anaay awoodin rag iyo dumarba wuxuu Nabiga (s.a.w.) ku taliyay ‘soonka joogteeya’. Joogtaynta soonku waxay daawo u tahay ama ka hortagysaa xanuunnada galamada lagu kala qaado. Tusaale ahaan fayraska HIV-gu wuxuu baabi’iyaa nidaamka difaaca ee bini-aadamka, wuxuu burburiyaa xubnaha, ka dib unugyada . Dhibaatooyinka uu fayraskani gaystaa waxay caddayn u yihiin digniinta uu inoo digay Nabigeenu ee ah in aynu ka fogaano galmo aan xalaal ahayn. Xogaha hay’adaha caafimaadka ka soo baxaa wax ay muujinayaan in waddamada islaamku aqlabiyadda yahay ay ka HIV yar yihiin waddamada kale.
Tabaha kale ee lagaga hor tagi karo xanuunnadan waxa ka mid ah dhallinyarada oo laga caawiyo in ay guursadaan iyadoo la yaraynayo kharashka ku baxa guurka. Ururada samofalka ah ee ku hawlan la dagaallanka iyo ka hortagga xanuunada galmada ku faafa waa in ay qorshayaashooda ku darsadaan dhiirigelinta guurka. Siyaabaha ay u dhiirigelin karaan waxa ka mid ah in ay kharashka guurka ka daboolaan ama in ay qayb ahaan ka bixiyaan.
Sidoo kale Islaamku wax uu ragga u oggolaaday in ay ilaa afar haween ama gabdho ah guursan karaan, haweenka waxa la faray in ay jidhkooda asturaan kuna daboolaan xijaab, goobaha ay bulshadu ku kulantana waxa laga reebay in dheddiga iyo labku iskuu milmin. Waa tallaabooyin wax ka taraya yaraynta xanuunnada aynu ka hadlayno.
Talooyinkaas aan kor ku soo sheegay macnahoodu maaha in sifada kaliya ee lagu kala qaado xanuunadan ay tahay galmo ka baxsan guurka xalaasha ah. Mana lihi xanuunnadani kuma dhici karaan muslimiinta saalixiinta ah. Waxa xaqiiq ah in cid waliba halis u tahay, siyaabaha lagaga hor tagaana badan yihiin, sidoo kale siyaabaha ay ku fidaan ay badan yihiin. Waxaa jira in ka badan 30 siyaabood oo kala duwan oo cudurrada galmada la isugu gudbiyo, ha noqdeen bakteeriyada, fayrusyada ama dullinka (parasites).
HIV-ga oo ah kan ugu caansan, sida looga hortagi karo wax lagu soo gaabiyaa saddex xaraf- ABD. Ta koowaad waa in aad xerada qoyskaaga ku ekaato, in aad sidii diintu ku talisay soonto iyo in aad galmo ammaan ah samayso.
Xanuunada galmada lagu kala qaado qaarkood sida HPV-ga iyo joonis-cadka waxa iyagana lagaga hor tagi karaa tallaal, kaas oo aad muhiim ugu ah da’yarta iyo guud ahaan bulshadaba. Dhakhaatiirta ama goobaha caafimaadka haddii aad booqato, waa laguu sharxi karaa noocyada tallaalka aad qaadan karto iyo xanuunada ay kaa caabin karaan.
Tallaabooyinka kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah in is baadhitaan joogto ah oo ah ugu yaraan sannadkii aad hal mar iska baadho xanuunnada galmada ku fida, haddii aad awooddana in ka badan aad is baadho. Waxa jira goobo bilaash ah oo lagu baadho xanuunada galmada lagu kala qaado, gaar ahaan HIV-ga, kuwaas ayaad tegi kartaa. Haddii lagaa helo nooc ka mid ah xanuunnadan, waxa muhiim ah in dhakhtar aqoon u lihi uu sida ugu dhakhsaha badan dawayn iyo la-tacaalid kuugu bilaabo. Sidoo kale waxa muhiim ah in aad xanuunka ama xanuunada lagaa helay aad barato si aad ula noolaan karto isla markaana aanad u qaadsiin ama u galaafan ummadda inteeda kale. Haddii aad xanuunada galmada ku faafa mid ka mid ah yeelato, isla markaana aad rabto in aad reer yeelato, waxa aad muhiim u ah in aad u sheegto lammaanaha aad rabto in aad nolosha wadaagtaan si aanu xanuunku u noqon mid qoyska wada saameeya.
Guntii iyo gababagadii waxaan odhan lahaa in bulshadu aad u barato xanuunada galmada lagu kala qaado. Gaar ahaan dhallinyaradu bartaan noocyada xanuunadan, siyaabaha ay ku fidaan, siyaabaha looga hortagi karo, kuwa la dawayn karo, kuwa aan la dawayn karin. Dhallinyaradu waa in ay bartaan meelaha la iska baadho, si joogto ah isku baadhaan, ciddii qadarku ku keeno xanuunnadan ay barato sida la isaga daweeyo, haddii aanu bogsiimo lahayna ay barato sidii loola noolaan lahaa dadkana loo aan loo qaadsiin lahayn.
Dhallinyaradu kaligood iskama baran karaan xanuunadan laakiin waxa loo baahan yahay in wacyigelinta aad loo badiyo, lana joogteeyo, si farriimaha caafimaadku ay u noqdaan kuwo baahsan oo cid kastaaba ka faa’iidaysato. Sidoo kale xukuumadda iyo hay’adaha caafimaadka waxa la gudboon in ay dhallinyarad ka saacidaan agabyada iyo dawooyinka loo baahan yahay ee caafimaadka kor u qaadaya. Wacyigelinaha la samaynayaa waa in aanay ku koobnaan farriimo caafimaad oo kali ah, waa in ay ku jiraan amaba la horaysiiyaa farriimaha diiniga ah. Sidaas ayaa xal waara lagu heli karaa.
Reference
“Holy Quran”.
“Manual of Hadith”.
CATTERAL, R.D., 1:315-19. 1981. “Lancet Biological effects of sexual Freedom.
WI LCOX, R.R. “Recent advances in STD ed. “. Harris 1981.
ANSARI, F.R., “Quranic Structure and foundation of Muslim society”, Karchi, 1976, 2 vols.
ORI EL, J,D. “Global pattern of STD”.
GLATHAAR, E. “Sexually Transmitted Disease”. Medunnsa. Pretoria. 1982.ound.
Hoos ka ka akhriso maqaallada 2dii guulayste ee hore: