Sirdoonka JSL oo Qabtay Rag ka Tirsan Al-shaabab

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan)Hay’adda Siroodnka Somaliland ee NIA ayaa Bartooda X ku baahiyay inay qabteen laba nin aah ka tirsan xarakada Al-shaababa, kuwaasi oo ku hawlanaa carqaladaynta doorashooyinka dalka.

War qoraal ah oo ay Sirdoonka Somaliland ku baahiyeen degalkooda X, oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:-

“Hayada Sirdoonka Somaliland NIA ayaa sheegay in 16 September 2024 ay qabteen laba qof oo ka trsan kooxda AS ee ka dagaalanta Somaaliya, laba qof ee la qabtay ayey Sirdoonku sheegen inay Ku hawlanayeen qorshe lagu carqaladaynayo doorashooyinka Somaliland .

Kooxda la qabtay ayay Hayada Sirdoonku sheegtay In Tababar lagu siiyey Jilib isla markaana ay Hore uga soo dagaalameen Somalia iyaga oo Hore u weeraray Saldhigyo dalka Uganda ku leeyihiin Somalia”.

Maaha markii u horeysay ee ciidanka Sirdoonka Somaliland ay qabtaan, isla markaasina baahiyaan xubno ka mid ah xarakada Alshababa, balse had iyo jeer waxa ay ku hawlan yihiin sugid amniga iyi ilaalinta cadawga dibada iyo gudahaba.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com