Sirdoonka Maraykanka oo shaaciyey qayb ka mid ah sirtii laga helay gurigii Osama Bin Laden

Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Marayku wuxu Arbacadii shaaciyey macluumaad iyo dhukumentiyo ay saraakiisha sirdoonku sheegeen in ay yihiin sir laga helay Osama Bin Ladin gurigiisa habeenkii lagu toogtay Abbottabad, Pakistan, 2dii May 2011.

Wadarta dhukumentiyada hadda la sii daayey waa 103. Waxana ku jira waraaqihii ugu badnaa ee Bin Laden iyo qoyskiisu is-waydaarsadeen iyo xidhiidho muhiim ah oo dhex maray Bin Laden iyo madaxda kale ee Al-Qaacida iyo waliba xidhiidho dhex maray ururada argagaxisada ku suntan ee caalamka Islaamka.

Xidhiidhka qoyskiisa

Nuqullada waraaqaha laga helay guriga Osama waxa ka mid ahaa kuwo la xidhiidha 20-kiisa carruur ah iyo afartiisa xaas.

Mid ka mid ah waraaqahan wuxu u diray xaaskiisa Khayriya oo ah Xamse hooyadii oo muddo toban sanno ku dhawayd ku xanibnayd Iiraan iyadoo xabsi-guri ku jirtay laga bilaabo markii  ay 2001dii burburtay Dawladdii Daalibaan ee Afgaanistaan ka talin jirtay .

Isagoo xaaskiisa Khayriya la hadlayey Osama wuxu yidhi “Alla dheeraa inta aan sugayey in aad mar uun Iiraan ka soo baxdo!”

Wuxu intaa raaciyey “Iraaniyihiinta lama aamini karo. Haddii aad u tagtay dhakhtar ilkaha sameeya isla markaana uu ilkaahaga wax dheeraad ah ku sameeyey dhakhtar labaad u tag ha kaa saaro’e. Waxa dhici karta in ay kugu dhajiyeen aalad sheegi karta hadba halka aad joogto si ay kuu daba-guraan.”

Dhanka kale wiilka ay Khayriya dhashay ee Xamse ayaa isaguna 2009-kii aabihii Osama waraaq u soo diray uu leeyahay. Wuxu yidhi “Aabahayow qalbigaygu wuxu ka murugaysan yahay muddada dheer ee la ina kala geeyey. Weli indhahayga waxa ku sii dheggan maalintii isugu keen dambaysay ee aad geedka timirta ah hoos fadhiday. Maalintaas waxad aniga iyo walaalahay noogu deeqday afar sijaayadood oo aan ku tukano”.

Hadda Xamse da’diisu waxay ku dhow dahay 30. Ma jirto cid og meesha uu dunida ka joogo.

Warqad kale Bin Laden wuxu u diray haweenay uu ka geeriyooday sarkaal ka tirsanaa al-Qaacida oo uu gabadheeda rabay in loo guuriyo wiilkiisa Khaalid.

Ereyadii warqaddaas ku qornaa waxa ka mid ah “Quluubtayadu waxay sugi kari la’dahay inta aynu arrintan (guurka Khaalid) dhammaystirayno.”

Osama wuxu ku foognaa Maraykanka

Sida laga dheeheday siraha gurigiisa laga helay, beryihii ugu dambeeyey Bin Ladin wuxu ku foognaa sidii Maraykan loo weerari lahaa.

Warqad aan taariikh lahayn, waxa ku qornaa in uu ka dalbay mujaahidiinta Waqooyiga Afrika in ay iska daayaan yagleelidda “Dawladda Islaamiga ah”, taas bedelkeedana ay weeraro ku qaadaan safaaradaha Maraykanka ee Siiraaliyoon in Toogo iyo sidoo kale shariikadaha Maraykanka ee batroolka.

Bin Laden talo tan la mid ah wuxu siiyey Al-qaaciidada Yemen oo uu ka dalbay in ay iska daayaan weerarka ay ku hayaan booliska Yemen-ta balse ay mudnaanta siiyaan weeraro lagu qaado danaha Maraykanka.

Sida muuqata talooyinkii Bin Laadin ee ku qornaa waraaqahan sirta ah ma ay tamarin. Ama dadkii ay ku socotay baanay gaadhin ama way iska indho-tireen in ay taladiisa qaataan. Sababtoo ah Al-Qaaciidada Yemen iyo ta Waqooyiga Afrika labaduba waxay sii wadeen weerarrada maxaliga ah ee ay ku qaadayaan gudaha dalkooda.

 Muxuu akhrisan jiray Osama?

Qoraallada sirta ahi waxay soo saareen in uu Osama Bin Laden ahaa nin aad wax u akhriya isla markaana waxyaabaha uu akhriyo badankoodu ay si uun Maraykanka xidhiidh ula lahaayeen.

Sidoo kale, marka loo fiirsado qoraallada uu sameeyey Bin Laden ee gurigiisa laga helay, waxa muuqata in uu ahaa tifaftire wanaagsan. Waraaqaha qaarkood ilaa 50 jeer buu dib-u-eegis ku sameeyey.

Dhukumentiyada la sii daayey waxa ka mid ah buugaag elektaroonig ah oo tiro badan oo Ingiriisi ah, warbixino ay soo saareen xarumo cilmi-baadhiseed iyo dhukumentiyo ay diyaariyeen dawladda Maraykanku.

Buugaagta  iyo warbixinaha uu Bin Laden akhrisanayey waxa ka mid ahaa buugga la yidhaa “Dagaallada Obama” ee uu qoray Bob Woodwards, kaas oo uu kaga sheekaynayo hannaanka ay ciidanka Obama uga hulleelayaan Afgaanistaan iyo buug kale oo uu qoray Noam Chomsky oo muujinaya sida ay xarumaha cilmibaadhista ee Maraykanku u daraaseeyaan Al-Qaacida.

Siraha laga helay guriga Bin Laden waxa ka mid ah arragtidii uu ka qabay kacdoonkii 2011kii ee loo bixiyey Gu’ga Carabta.

Bin Laden intii kacdoonkani socday ee uu noolaa marnaba warbaahinta kama uu muujin waxa uu ka aaminsanaa kacdoonkii shacabka ee loogu magac daray Gu’ga Carabta. Hase ahaatee waxa la helay qoraalo uu arrintan ka sameeyey.

Kacdoonnadaas wuxu ku qeexay “Kacaankii Tiknoolajiyadda.” Wuxu xusay in tiknoolajiga cusub iyo warbaahinta bulshadu ku wada-xidhiidho ay suurtogeliyeen waxa uu ku tilmaamay “dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa dunida Muslimka muddo qarniyo ah”.

Dhanka kale, Waraaqahan sirta ah inta hadda la soo saaray ma muujinayaan in sirdoonka Baakistaan ogaa in uu Osamana Baakistaan ku noolaa.

Waxa qoray Peter Bergen. Waxa turjumay soona koobay Bahda Bandhige.

Bandhige@gmail.com