Sixir bararka oo saameeyey nolosha danyarta iyo kulan laga hadlayo oo ka dhacay Madaxtooyadda

????????????????????????????????????

Sixir barar maceeshada oo maraya meel sare, saameyn weyna ku yeeshay nolosha dadweynaha ku dhaqan Somaliland, inkastoo xukuumaddu hoos u dhigtay safarka lacagta doolarka iyo Somaliland shilinka balse taasi may sababin in ay maceeshadu jabto.

Shir saacado qaatay oo ka dhacay Madaxtooyadda oo ay isku yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee xukuumadda iyo Madaxda Ha’ayadaha madaxa-banaan ayaa waxa lagaga hadlay sii loo fulin lahaa go’aamadii kasoo baxay shirkiii Madaxweyne la yeeshay Ganacsaatda iyo dhimista isku-bedelka doolarka iyo Somaliland shilinka.

Ugu horeyn kulanka waxa ka hadashay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis “Khadra Xaaji Gaydh” waxaana ka mid ahaa hadaladeedii:

“Kulanka maanta ka dhacay Madaxtooyadda oo uu isugu yeedhay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu kana soo qaybgaleen agaasimeyaasha guud  ayaa lagaga wada hadlaayey sidii kor loogu qaadi lahaa ee loo quwayn lahaa shillinka Somaliland, hoosna loogu dhigi lahaa Doolarka, tiiyoo uu maanta meel fiican marayo, isla markaana halkaa looga sii gudbi lahaa oo lagu salayn lahaa meceeshada laftigeedana hoos loo dhigi lahaa arrintaas oo awaamiirtaa uu farayey wasiirku agaasimeyaasha guud  madaama ay yihiin mishiinada wasaaradaha ka shaqeeya, sidii xitaa kuwa ay lacagaha doolarka ahi soo galaan looga dhigi lahaa Somaliland shillin, wax kasta oo dawladda ka baxayaana uu Somaliland shillin u noqon lahaa Arrintaas ayaa maanta shirka lagu falan qaynayey waxaana ka soo baxay go’aamo aad iyo aad u wanaagsan oo dalka iyo dadkaba u dan ah”

Sidoo kale waxa isaguna shirkan ka hadlay   Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Maanta oo aanu halkan isugu yeedhnay Agaasimeyaasha iyo Hay’addaha madaxa-banaan qorshuhuna uu ahaa sidii loo quwayn lahaa shilinka Somaliland ee aaminkiisa loo heli lahaa, si shillinkii Somaliland, mushaharkii shaqaalaha iyo meelwalba lagu qaato shillinka Somaliland, Zaad-kii iyo E-Dahab-kii oo labadaba loo furayna in lagu shubto shillinka Somaliland.”

Wasiiru dawlaha oo hadalkiisa sii wataaa waxa uu yidhi:

“Markaa Maanta waxa la farayey shaqaalaha dawladda in la tayeeyo shillinka Somaliland oo kor loo qaado, waxa kale oo loo sheegayaa dadweynaha in sixirkii Somaliland laftiisa uu  maanta meel wanaagsan marayo go’aana dawladu ku gaadhay in uu 6,000 kun oo shillin gaadho, cid walbana waxa la farayaa go’aamadaa la qaatay ee sixirka ah in sideeda loo fuliyo cidii ka hortimaadana talaabadeeda ayaa la marinayaa waxaanan dadweynaha leenahay ku dhegenaada, Ascaartan kor u kacdayna baayac-mushtarka waxa aanu faraynaa inay hoos u dhigaan oo ay la socdaan maalin walba waxa uu sixirku marayo, waxa aanu leenahay qolada shaqaalaha ah ee aanu maanta halkan isugu nimidna in isu-duwayaasha gobolada loogu gudbiyo shillinka Somaliland, Hay’addaha ku qaata mushaharka lacagta adag waxa la farayaa iyagana inay lacagta ku shubaan baanka, dabadeedna loogu bedelo wixii sixirka suuqu marayo,  Arrintaasaanu maanta isugu yeedhnay oo aanu kala hadlaynay agaasimeyaasha iyo hay’addaha madaxa-banaan, waana aanu isla qaadanay go’aamo adagna waanu isla gaadhnay.”

Xukuumadda ayaa waxay haatan xooga saartay in ay hoos u dhigto sarafka lacagta Doolarka iyo Somaliland shilinka, balse waxay wali xukuumaddu moogan tahay oo soo hadal qaadin sixir bararka maceeshadda oo saameyn weyn ku yeelatay bulshada Somaliland.

bandhige@gmail.com