Siyaasiyiin waaweyn oo mug leh ayaa maanta waxa ay ku biireen xisbiga
mucaaradka ah ee Wadani waxaana madashada loogu wanqalay ee lagu
qabtay xaflada siyaasiyiinta ku biiray maanta xisbaga wadani o ahayd
Hutelka Rays ee magaalada Boorama ka soo qayb galay gudoomiye Cirro oo
hor kaacayey wafdi balaadhan oo maalmahanba booqashao ku joogay
gobolka Awdal.
Siyaasiyiintaas waxaa kaย mid ahaa maanta ku soo biiray xisbiga Wadani
gudoomiyhii hore ee gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci, Cabdicasiis
Xuseen Raage, Wasiirkii hore ee dib u dejinta Cabdirisaaq Aw Cali,
gudoomiyihi hore ee gobolka Salal iyo rag kale.
Xaflada ayaa u badnayd hadalada laga soo jiideyey kuwo aad loogu
dhaliiley xisbiga Kulmiye oo sida ay sheegeen siyaasiyiintaasi in ay
ku hungoobeen mudadii ay ka midka ahaayeen,waxaanay u muuqatey in
gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) uu aad ugu
faraxsanaa taageerada uu ka helay gobolka Awdal.
Dadka u dhuun daloola siyaasada Somaliland waxa ay ku tilmaameen
safarka Cirro iyo wafdigiisa mid u eg olole siyaasadeed oo xisbiga
taageero loogu raadinayo.
Xasan Ciise- Boorama