Siyaasiyiin Maraykan ah ayaa ku baaqay in la shaaciyo warbixintii 11-kii Sebtember

Xildhibaano ka tirsan Koongareeska Maraykanka ayaa ku biiray dadka doonaya in la shaaciyo warbixin sirdoonku ka diyaariyey sidii ay wax u dhaceen 11-kii Sebtermber, taas oo sida la sheegay 28 bog oo ka mid ahi ka warramayaan Sucuudi Carabiya madax ka tirsan kana mid ah xayndaabka boqortooyada oo la sheegay in ay lug dhaqaale ku lahaayeen weerarradii  11 Sibtambar 2001-dii lagu burburiyey daahirihii mataanaha ahaa ee xafiiska u ahaa Xarunta Ganacsiga Adduunka iyo aqalka gaashaandhigga Maraykan ee loo yaqaan Pentagon-ka, kuwaas oo ay ku naf-waayeen ilaa 3000 oo qof.

Bob Graham oo ah ruug-caddaa siyaasadda muddo dheer ku soo jiray Golaha Odayaasha Maraykankana ka tirsanaa ku dhawaad 18 sanno isla markaana ka mid ahaa xubnihii guddoominayey guddi Aqalka Odayaasha Maraykanku sameeyeen 2002-dii oo baadhitaan rasmi ah ku samaynayey sidii ay u dhaceen weerradii 11 Sebtember ayaa la sheegay in uu isaguna hadda ku biiray inta doonaysa in warbixintaas dadweynaha loo soo bandhigo.

“Haddii dadweynaha Maraykanku ogaan lahaayeen runta oo dhammaystiran, waxan aaminsanahay in ay aad uga cadhoon lahaayeen in waddan lagu sheego in uu inala jiro (Sucuudiga) uu ku kacay falal aad u xun oo ka dhan ah dalkeena” ayuu yidhi Graham.

Bob Graham oo xalay ayuu warbixinta uga warramay Aljazeera
Bob Graham  xalay ayuu u warramay Aljazeera

Haddi la baahiyo warbixintan waxa la saadaalinayaa in ay wiiqi doonto xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya Sucuudiga iyo Maraykanka oo muddo dheer soo jireen ahaa.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com