SOLJA oo cambaaraysay xadhigga wariye Soo-fadhiiste

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee magacooda loo soo gaabiyo SOLJA ayaa cambaareeyey xadhigga weriye Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste oo saddex maalmood ku xidhan Berbera.

Wariye Soo-fadhiiste ayey ciidamadda Booliisku soo qabteen ka dib markii uu Telefishanka Somali Channel ka sii daayey war ku saabsanaa dadweynaha reer Berbera oo salaaddii Ciidal-Adxada ku foodhyey wasiirro ka tirsan xukuumadda oo damcay in ay khudbad ka jeediyaan fagaarihii salaada lagu tukanayey ka hor intii aan salaadda ciidda la tukan.

Wasiir-Xigeenka Amniga Somaliland Cabdi Daahir Cammuud ayaa BBC-da u sheegay in weriyeyahan la xidhay kadib markii uu salaadii ciidda ee Berbera ka sameeyey warbixin been-abuur u badan kadib markii uu hadallo iyo muuqaallo aan is lahayn uu isku sifeeyey.

Hase ahaatee Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” ayaa sheegay in xadhiga loo gaystay soo-fadhiiste aan loo marin sifadii sharciga ahayd isla markaana ay xukuumaddu  ku daba jirto oo ay rabto in ay soo xidho laba weriyey oo midina Star TV u shaqeeyo ka kalena Kalsan TV.

Guddoomiye Xuuto wuxu sheegay in xubno ka tirsan xukuumadda Siilaanyo ay beryahan dambe caadaysteen xadhiga Suxufiyiinta Saaxil, gaar ahaan intii uu bilaabmay muranka Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera.

War-saxaafadeed ay soo saareen Ururka SOLJA ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu si adag uga soo horjeeda xadhiga wariye Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste oo muddo saddex cisho ah Berbera ugu xidhan xukuumadda, kaas oo ciidamadda Booliisku qabteen ka dib markii uu Telefishanka Somalicable ka sii daayey war ku saabsanaa dadweynaha reer Berbera oo salaadii Ciidal Adxa ku foodhyey wasiiro ka tirsan xukuumadda oo damcay in ay khudbad ka jeediyaan fagaarihii salaada lagu tukanayey ka hor intii aan salaada Ciida la tukan.

Ururka SOLJA waxa uu xad-gudub u arkaa talaabada ay Booliisku ku ugaadhsanayaan wariyayaasha kala ah Axmed Siciid oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan, Mubaarak Nirig oo ka hawl-gala Star Tv iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo isna ka tirsan Telefishanka Star, kuwaas oo sida wararka naga soo gaadhaya ciidamada Booliisku guryahooda baadheen, hase yeeshee ka cararay magaaladda.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xadhiga iyo Ugaadhsiga wariyayaasha Gobolka Saaxil gaar ahaan Berbera oo ka dhashay khilaafka ka taagan wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo la ogaa gacan ka hadalkii ka dhacay Golaha wakiiladda ee ay isku farasaareen Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Ku-xigeenkiisa, isla markaana ay laaleen mudanayaasha Golahaasi in uu yahay mid ay wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil ku doonayaan inay wariyayaasha kaga hor istaageen in ay xogaha ku gedaaman bulshada u soo bandhigaan.

SOLJA waxay hore uga hadhashay talaabadii uu taliye ku-xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil isla dhacdo tan oo kale ah uu ugu xidhay wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka shaqeeya Somnews Tv, kaasoo booliisku xabsiga dhigeen isagoo duubaya shir jaraa’id oo lagaga soo horjeeday mashruuca haamaha, halka aan laga xidhin wariyayaal war ka duubayey isla shir jaraa’id oo lagu taageerayey go’aanka ay xukuumaddu shirkadaha ku siisay Haamaha shiidaalka.

Ururka SOLJA isagoo tixraacaya hadalkii Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Wershada Cali Dhagoole ee ahaa hanjabaada cad ee uu warbaahinta ka sheegay ee ahayd in ay talaabo ka qaadayaan cid kasta oo ka hor timaada Heshiiska ay xukuumaddu kula gashay shirkaddaha waddaniga ee lagu wareejiyey Haamaha Shiidaalka waxaanu u aragnaa mid lagu tumanayo sharciyadda dalka, isla markaana lagu duudsinayo xuquuqda saxaafaddu u leedahay in ay dadka u tabiso warar, isla markaana dadweynuhu u helaan si cad.

Maadaama xukuumaddu aanay u soo bandhigin Saxaafadda  Heshiiska ay ku gashay wareejinta Haamaha Shiidaalka, isla markaana aanay Hay’addaha sharciga ah u marin sharciyeynta Heshiiskaas sida shuruucda dalku dhigayso oo ay Golihii wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku diideen isla markaana Wasiiradda saxaafadda xadhig ugu hanjabayaan waxaanu cagta marinaynaa cidii ka hor timaada, waxa waajib  dastuuri ah oo aan ka gabasho lahayn ah in ay saxaafaddu baadho oo dabagasho heshiiskaas, isla markaana bulshada u soo tabiso xog kasta oo laga helo, ha ahaato codka dadka ka soo horjeeda ama ha ahaato talaabooyinka ay xukuumaddu ku qarinayso xaqiiqada.

Sidaas daraadeed, waxa uu Ururka SOLJA mar kale ku celinayaa in ay Wasiiradda sida cad u caadaystay in ay warbaahinta ka hor istaagaan shaqada ay Qaranka u hayaan u sheegaynaa in aanay awood u lahayn maanta in ay qariyaan wax kasta oo dalkan ka jira, waxaanan ugu baaqaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Hay’addaha Garsoorka ee Dalka in ay xorriyadooda u soo celiyaan wariyaha xidhan, kuwa laa baadi-goobayana ka joojiyaan Booliiska ay wasiiraddu u adeegsanayaan.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

bandhige@gmail.com