SOLJA waxay Burco ka furtay tabobar ay ka qayb-galayaan 50 suxufi

Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaa laba tabobar oo is-barkan u furtay 50 suxufi oo ka kala yimid Oodweyne, Oog, Sool iyo Togdheer.

Tabobarka koowaad wuxu ku saabsanaan doonaa saxaafaddu doorka ay ka qaadan karto doorashooyinka soo socda, qaybta labaadna waxa ay ku saabsanaan doontaa xeerka saxaafadda iyo sida loo qaboyo-tiri karo.

Suxufiyiinta waxa furitaankii tabobarka kala qayb-galay maamulka Togdheer oo uu hor-kacayo Guddoomiye-Xigeenka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Xayd. Waxa sidoo kale ka qayb-galay Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto iyo Kayse Axmed Digaale oo ka tirsan golaha sare ee SOLJA.

Guddoomiyaha Xuuto iyo Kayse Axmed Digaale oo suxufiyiinta la hadlay ka hor intii aanu tabobarku bilaabin ayaa sheegay in tabobarradani ay kordhin doonaan tayada suxufiyiinta.

“Suxufiyiintu waxay u baahan yihiin in aqoon la baro si loola xisaabtami karo. Haddi aanay lahayn aqoontii loo baahnaa way adkaanaysaa in lala xisaabtamo” ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.

Kayse Axmed Digaale ayaa isaguna sheegay in tabobarkani kuwii hore kaga duwan yahay iyada oo ay bixinayaan macalimiin aqoon sare leh oo uu ka mid yahay ruug-caddaaga Yoonis Cali Nuur.

Hoos ka daawo warbixinta Horn Cable TV ee tabobarkan: