Somalia: AMISOM oo ka hadashey weerarka askarteeda lagu diley ee Leego ka dhacay

War-saxaafadeed ka soo baxay hawlgalka AMISOM ayaa lagu canbaareeyey weerarkii al-Shabaab ku qaadeen ciidamada AMISOM maanta oo Axad ah, gaar ahaan kuwa ka socdey dalka Burundi.

 Weerarkan ayaa ahaa nooca al-Shabaabku u yaqaanaan dhabba-galka, waxaana ay jidka u galeen Kolonyo ciidamada AMISOM ah meel u dhexeysa Leego iyo Balidoogle gobolka Shabeelada Hoose duhurnimadii maanta oo Axad ah.

Warka ka soo abxay AMISOM ayaa lagu qirey in looga diley ciiadamooda saddex askeri halka qaar kalena dhaawac loo geystey. al-Shabaab waxay sheegteen in ay dileen shan askeri meydkoodana qaateen.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maman S. Sidikou ayaa sheegey in AMISOM ay si adag u laasimeyso in ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, waxaana uu tacsi u direy qoysaskii ay askartu ka tirsanaayeen.

Maalintii shalay ayaa sidan oo kale al-Shabaab dhabbada u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya deegaanka Taabto, waxaana ay ku dileen ugu yaraan saddex askeri.