Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), ayaa ku eedeeyay shir-guddoonka Golaha Wakiiladda inay jabiyeen xeer hoosaadkii u yaalay golahaasi, waxaanu sheegay in ay qayrul sharci tahay in shirguddoonka Golaha Wakiilada dalka mar ka wada baxaan golihii oo shaqaynaya.
Xildhibaan Bukhaari ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay Wargeyska Dawan, waxaana uu tilmaamay in ay la xisaabtami doonaan shirguddoonka.
โAniga oo ixtiraam u haya guddoomiyaha ku xigeenadiisa iyo xildhibaanada baxay inay wax soo koradhsadaan ay wanaagsan tahay laakiin in saddexda shirguddoon xoghayaha iyo guddoomiyihii gudida joogtada inay baxaan.Waxaan u arkaa inay xeer hoosaadka golaha khilaafsan tahay, in iyadoo golihii furan yahay oo ajandihii soconayo oo wakhti xaasaasiya lagu jiro, oo xeerarna hor yaalaan in laba toddobaad goluhu noqdo mid aan jirin oo aan cidi joogin.
Waxaanay iila muuqata inay nagu tahay cambaar aan wanaagsanayn, awalba waxa lanagu xamanayay Golaha Wakiiladu iyagaa doorashooyinka dib u dhigay oo curyaamiyay xeerarkii doorashooyinka. Tanina waa calaamad kale oo wanaagsanayn ayay nagu noqonaysaa in diyaarad wada raacaan shirguddoomkii golaha wakiiladu haddii ay fiiso dabadeed heli lahaayeena waa bay iska tagi lahaayeen.โ
โMarkaa waxay ahayd in cidii ka joogta in golihii shaqaynayo oo haddii wax yimaadaan uu fadhiyo guddoomiyaha oo labadiisa ku xigeen mid joogo, laakiin is-raacidoodu waa qayrul sharci, xeer hoosaadka ayaanay ka hor imanaysaa, waana waajib in laga xisaabtamayaa iyadoo golihii furan yahayโ ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.
Xildhibaan Bukhaari, Waxa kale oo uu naqdiyay xisbiyada mucaaradka waxaanu tilmaamay in aan talada dalka lagu aamini Karin. โQaranku shuruuc ayuu leeyahay kaa wixii aan ahayn ninka la yimaada, sharciga kama wayna ninkii doonaya qaranimada Somaliland ee umaddu ogashahay in uu la yimado wax aan ahayn isaga ayaa cirka roob ku og. Raga sidaa yeelayaana in bari lagu aamino qaranka ayaa halis galaysa mucaaradka oo waxaan la yaabaa mucaaradka oo niman madasha la yidhaahdo oo sharci ahayn ayay sacabka la qaraacayaan, markii xisbiyadda mucaaradku itaal dareeyeen ayay doonayaan wax ay cuskadaan, waxaana la raacayaa dastuurka dalka u yaalaโ ayuu yidhi Bukhaara.