“Somaliland kuma jirto go’doon siyaasadeed” Wasiirka Arrimaha Dibedda

Telefishanka Star TV ayaa Madaarka Hargeysa waraysi kula la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis shalay goor uu Jabuuti u sii duulayey  .

Wasiirka waxa la waydiiyey sida ay wax uga jiraan hay’adaha madaxa bannaan ee la sheegay in La-taliyaha Madaxweynuhu yidhi dalka ayaa laga saarayaa. Wuxuna ku jawaabay in warkaasi aanay waxba ka jirin oo uu yahay been abuur.

Sidoo kale, waxa wasiirka la waydiiyey in wakhti xaadirkan ay Somaliland ku jirto go’doon caalami ah maadaama beeshii caalamku ka gadooday muddo-kordhintii ay 11-kii May Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada.

“Somaliland go’doon siyaasadeed kuma jirto. Sidii ay marka horeba xidhiidhka ula lahayd bulshada caalamka ayay haatanna ula leedahay. Haddaba waxa aan u socdaa Jabuuti iyo Itoobiya, waxanan wada-hadal la leeyahay madaxda dalalkaas” ayuu yidhi Mudane Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbaddiisii uu jeediyey 18-kii May ku sheegay in bulshada caalamka war khaldan loo sheegay taasina ay keentay in ay ka walaacaan muddo-kordhintii ay Guurtidu samaysay.

Lama oga in socdaalka Wasiirku la xidhiidho arrintaas isla markaana uu rabo in uu bulshada caalamka ka soo dhaadhiciyo muddo-kordhinta iyo in uu shaqooyinkiisii kale ee caadiga ahaa u baxay.

Warkan waxa diyaariyey: Axmed Ceelaabe
Bandhige@gmail.com