Hargaysa(Bandhige) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in tirada dadka uu soo ritay fayraska Covid-19 ay gaadhay 23 qof. halka dhimashaduna kor u kacday.
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka JSL Mr Cumar Cali Cabdilahi iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo shalay ka warbixiyay waxay sheegeen in Qofkii saddexaad uu Xanuunka Covid-19 ugu Geeriyooday Somaliland, halka 11 Qof oo cusubna laga helay.
Dadka cusub ee laga helay Xanuunka Covid-19 ayaa kasoo kala jeeda gobolada iyo caasimada Hargaysa ee Somaliland. waana tiradii ugu badnayd ee hal maalin la shaaciyo.
Bandhige@gmail.com