Somaliland: Marwada Koobaad Oo Kormeer ku Tagtay Xarunta Daryeelka Agoomaha Iyo Danyarta,

Marwada koowaad ee madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland marwo aamina Maxamed sheekh Jirde ayaa maanta kormeer ku tagtay marshuuca dhismaha Iskuulka boodhinka ah ee Kuwait maalgelisay, kaasoo loogu talo galay inay wax ku bartaan agoomaha iyo dadka danyarta ah ee u dhashay Somaliland waxaa kaloo ugu horayntii ay marwadu soo booqotay dhismaha labaad ee loogu talo galay in loo dhiso gabdhaha oo uu hore madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland uu dhagax dhigay.