Somaliland Oo Lagu Qabtay Bandhigga Dhaqanka ee ‘Nolol Miyi iyo Muunad Dhaqan’

Madasha MASAF waxay maanta qabatay Bandhigga Dhaqanka ee ‘Nolol Miyi iyo Muunad Dhaqan’:

Bandhiggan waxa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka socda Dawladda JSL, Ururada Caalamiga ah, Abwaanno, Ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale, ayaa ujeeddadiisu ahayd soo gudbinta iyo bandhigga dhaqanka Soomaaliga ah iyo noloshii Miyiga. Ujeeddada labaad ayaa ahayd in la xuso haldoorkii fanka Soomaalida ee uu geeridooday intii uu bilaabmay Cudurka COVID19, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi), Heesaa Maxamed Maxamuud Cige (Busi), Xabiiba Cabdillaahi Bal-ballaaf, Cabdi Tahliil Warsame, Daa’uud Cali Masxaf iyo Cumar Cabdille Shoolli.

Masuuliyiinta ka qaybgalay waxa ka mid ahaa; Wasiirka Arrimaha gudaha JSL Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mukhtaar Maxamed Cali, Amb. Cali Saleebaan Jirde (Shoombe), Ergeyga IGAD, Barkhad Maxamuud Kaariye, Safiir-ku-xigeenka Safaaradda JSL ee Itoobiya, Cadnaan Saleebaan Hagoog oo ka mid ah masuuliyiinta Ergada Midowga Yurub, Maxamed Cabdillaahi Gaas, Agaasimaha BBC MEDIA ACTION, Khadar Baaruud Cumar, Guddoomiye-kuxigeenka Gobolka Maroodijeex, Masuuliyiinta u sarreeya Dalladaha NAFIS, NAGAAD, SONSAF iyo SOLJA, Shirkadda HASS Petroleum, iyo masuuliyiin kale.

Martidu waxay daawasho iyo kormeer ku sameeyeen hawlqabadyada iyo shaqada dhaqan ee ka socotay madasha iyo agab-dhaqameedka madasha yaalla.