Somaliland oo xaqiijisay kiisaskii ugu horeeyay COVID-19 ee laga helo dalkeeda

Guddida qaran ee u diyaar garowga iyo kahortaga xanuunka Coronavirus oo goor dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in 3 qof oo looga shikiyay COVID-19 laga helay kadib markii baadhitaan lagu sameeyay.

War-saxaafadeed ay soo saareen guddidu oo soo gaadhay warqabadka Bandhige ayaa sidan u dhignaa:

Waxa aanu xaqiijinaynaa in Labadii qof ee ugu horreeyey Jamhuuriyadda Somaliland laga helay Cudurka Coronavirus (Covid-19) ka dib baadhitaan lagu sameeyey 3 qof oo looga shakiyay cudurka.

Labadani qof ayaa kala ah muwaadin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska kaasi oo ku sugan magaaladda Burco iyo Muwaadin ajaanib ah oo u dhashay waddanka China kaas oo ku sugan Magaalada Berbera.

Labada qofba Xaaladdoodu way degantahay Immika , Waxaana si dhaw ula socda Hay’adaha Caafimaadka qaranka iyo Guddida Qaran ee ka hortagga iyo u diyaargarowga Covid-19.

Shacbiga waxaan ugu baaqaynaa inay raacaan Tilmaamaha iyo Wacyigelinta Guddida.