Somaliland: Qofkii 7aad ayaa u geeriyooday xanuunka Covid-19, tirada maanta laga helay waa 14 kiis

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa Warbixinta Maalinlaha Ah Ka Warbixiyayay Xaalada Cudurka Coronavirus Iyo Caafimaadka Guud Ee Somaliland, waxaana uu sheegay in tirada dadka maanta laga helay ee xanuunka Covid-19 ay tahay 14 qof, halka dhimashaduna ay tahay 1 qof.

Dadka laga helay maanta ayaa 12 oo kamid ah waxay joogaan magaalada Hargaysa, 2da qof ee kala waxay joogaan magaala xeebeedka Berbera.

Tirada guud ee Xanuunka Covid-19 ee Somaliland ayaa hada ah 68 qof, halka dhimashaduna ay tahay 7 qof.

Bandhige@gmail.com